Khamiis, May, 04, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa guddoomiyaha gobolka Baay u magacaabay Cali Wardheere C/raxmaan, kadib kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Baydhabo xubnaha gollaha wasiirada maamulka.
Shaqsiga loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Baay ayaa badali doona guddoomiyihii hore ee gobolka C/rashiid Cabdullaahi Maxamed oo hadda ah wasiirka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya.
Guddoomiyaha cusub ayaa la sheegay in uu yahay ganacsade siweyn looga garanayo deegaannada maamulka K/galbeed Soomaaliya.
Dhinaca kale, mas’uuliyiinta maamulka ayaa siweyn u cambaareeyay dilkii xalay magaalada Muqdisho loogu geystay wasiirkii howlgala guud iyo dib u dhiska DF Cabaas Siraaji, iyaga oo dalbaday in dilka wasiirka lagu sameeyo baaritaan dhab ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]