Hargeysa : Carruur dib loogu celiyay dalalka ay ka yimaadeen & waalidiin ka cabanaya
Khamiis,May, 04, 2017 (HOL)- Waalidiintii ardayda hablaha ah ee
dugsigoodii la kala baxay ayaa walaac ka muujiyey in caruurtoodii iyagoo la
ogaysiin qaarkood lagu celiyey wadamadii dibadda ee markii hore ka yimaadeen.
Waalidiintii hablaha yaryar ee
qurbojooga ah ee dhiganayey dugsiga boodhinka ah ayaa maanta la kulmay
wasaaradda arrimaha gudaha, waxaanay ka codsadeen in la tuso caruurtoodii,
haseyeeshee waxa uu wasiirku la ballamay inuu tusi doono, halka qaarkood la
sheegay in wadamadii ay ka yimaadeen dib loogu celiyey.
Wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin
Farotoon ayaa sheegay in habluhu siteen jinsiyado wadamo kale, isla markaana
habluhu yihiin dhalinyaro iyaga la waydiinayo inay dib u noqdaan iyo inay
joogaan, sidaas darteed halkii ay doortaan la gayn doonno.
Wasiir Farotoon ayaa sheegay in
kulankii waalidiinta dhexmaray ay isku afgarteen in caruurtooda la kulansiiyo
oo ay arkaan, si fiican kulankaasi ugu dhamaaday.
“Waalidiintii iyo anagu kulankii
aanu yeelanay si fiican baanu iskugu qancinay,
arrintaasi meel wanaagsan ayaanu iskula gaadhnay”ayuu yidhi Wasiir
Farotoon oo ka gaabsaday inuu sharaxaad ka bixiyo siday waxani u dhaceen.
Haseyeeshee, waalidiintii
hablahan yaryar ayaa sheegay in walaac ay ka qabaan in caruurtoodii iyagoo la
ogaysiin la iska celiyey, waxaanay sheegeen inay wararka ku hayaan in qaarkood
dib loo celiyey.
“Ubadkani waa caruur la keenay
wadanka si loo dhaqan celiyo loona baro diinta iyo quraanka, waxaanay
dhiganayeen iskuul kuwo la seexdo ah (Boarding school), waana hablo da’doodu u
dhexeyso 15 jir ilaa 20 jir, laba cisho ka hor ayaanu maqalnay in hablihii
meeshii lagala baxay oo mid ka mid ahi hablaha yaryar oo iskuulka ka baxsatay ayaa fariin khaldan
gaadhsiisay safaaradoodii, oo ay tidhi
meeshan hablaha lagu cadaadiyaa, waxayna soo kaxaysatay dad ajanabi ah taas
ayaa keentay in hablihii yaryaraa dugsiga la kala baxo , waxaanu u nimid
wasaaradda arrimaha gudaha,w axaanay noo
sheegeen in caruurtu wataan jinsiyado kale oo iyagu akhtiyaarka leeyihiin inay
halkan joogaan iyo in la celiyo, waxaana nala balameen in caruurta nala tuso
afarta galabnimo, inkastoo qaar la sheegay in turtaba la celiyey”ayuu yidhi mid
ka mid ah waalidiinta hablaha yaryar.
“Mid ka mid ah hablahan yaryar
ayaan habo yar u ahay, waxaanu wasiirku noo sheegay in inantayaddii dib loo
celiyey iyadoo waalidiinteedii loo sheegin, marka in gaaladu wadankan xukunto
iyo in dadkeenu xukumaan ha noo kala cadeeyaan”ayeey tiri hooyo kale.
“waxaa na loo sheegay in
inantayadii kow iyo tobanka duhurnimo ka dagayso Denmark, taasina waa dhibaato
in anagoo nala ogaysiin inantayadii yarayd la iska dhoofiyo”sidaasna waxay
tidhi hooyo kale oo ka walaacsan in inantoodii yarayd dib loo celiyo iyadoo loo
sheegin.
Hablahana yaryar ayaa ahaa kuwo
qurbo joog ah oo wadanka loo keenay dhaqan celin,isla markaana la barayey
quraanka, haseyeeshee waxa ciidanka Booliska iyo saraakiil Ajanabi ah ay
dugsigii kala baxeen hablhii waxaanay dajiyeen hoteelo ku yaala magaaladda
Hargeysa, waxaanay la sheegay inay hablaha waydiinayaan in qofkii doonaya in la
celiyo dib loo celinayo halka qofkii joogayana uu joogi karo.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.