4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2017
Madaxweyne Farmaajo: "Waxaan soo gaabinayaa booqashadeyda Ethiopia si aan uga qeyb galo baroor diiqda iyo aaska Qaran ee wasiir Cabbaas"

 
Arbaco, May, 03, 2017 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa ku amray madaxda ammniga in ay dhaqso uga sal gaaraan wixii sababay dilka wasiirka Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska dalka Cabaas Cabdullahi Siraaji.

Farmaajo ayaa sheegay in uu aad uga murugooday geerida Wasiir Cabbaas. Waxaana uu sheegay in Cabaas uu ahaa nin dhallinyaro ah, dadaal badan oo waddani ah. AUN".

"Waxaan soo gaabinayaa booqashadeyda Ethiopia si aan uga qeyb galo baroor diiqda iyo aaska Qaran ee wasiir Cabbaas", ayuu yiri Farmaajo.

Madaxda Qaranka ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji oo caawa fiidkii xabad gaarigiisa lagu furay darteed u geeriyooday.

Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa xidig soo baxaya oo iftiimaya lahaana mustaqbal ifaya. Marxuum Cabaas waxuu tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, madaxda Qarankana aad bey ugu hanweynaayeen.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng. Yarisow ayaa yiri "Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa shaqsi dhalinyaro ah oo si aad ah uga dhexmuuqday golaha wasiirada. Waxuu ahaa shaqsi leh mustaqbal wanaagsan. Waxuu ka mid ahaa dhalinyaradii xerada Qaxootiga Dhadhaab ku soo koray oo wax ku soo bartay, ka dibna dalkiisa hooyo dib ugu soo laabtay si uu waddanka wax ugu qabto."

Madaxda Qaranka ayaa dhammaan shacabka ka codsaday inay murugada naxdinta leh la qeybsadaan qoyskii marxuumka iyo dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu u ahaa tusaale fiican oo aad uga dhexmuuqday golaha wasiirada. Wasiir Cabaas maanta ayuu Muqdisho ku daahfuray Mashruuca Tayeynta Shaqaalaha oo uu maalgelin uga soo helay Bankiga Horumarinta Afrika.

Marxuumka geeryooday ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah loo sameeyo aas-Qaran.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia