4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2017
War Dheeraad ah: Wasiirka Howllaha guud oo lagu toogtay nawaaxiga Madaxtooyada

 
Arbaco, May, 03, 2017 (HOL) -Ciidan la socday Hanti-dhowrka Guud ee dalka Nuur Farax, ayaa caawa toogtay wasiirka howllaha guud iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya Cabas Cabdullahi Siraaji.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta ka dambeysay dilka wasiirka.

Sidoo kale wasiir la socday wasiirka geeryooday, ayaa la sheegay in uu ka badbaaday rasaasta lagu furay gaarigii ay la socdeen.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Injineer Cabdiraxmaan Yariisow ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku xaqiijiyey geerida.

Marxuum Cabaas ayaa ka mid ahaa wasiiraddii la dhaariyay bishii March ee sanadkan, waxaana uu ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa ee abid kasoo muuqda wasiirada Soomaaliya, sidoo kallana waxaa uu ahaa xildhibaan laga soo doortay magaalladda Kismaayo.

Marxuum Cabaas, oo 31-jir ahaa ayaa waxaa uu wax ku bartay kuna bar-baaray xeradda Dhadhaab ee dalka Kenya, ka hor inta siyaasada uusan kusoo biirin.

Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa xidig soo baxaya oo iftiimaya lahaana mustaqbal ifaya. Marxuum Cabaas waxuu tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, madaxda Qarankana aad bey ugu hanweynaayeen, sidaasi waxaa yiri wasiirka warfaafinta. 

Ciidanka dowladda ayaa hadda wada baaritaano xooggan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay si rasmi ah war faah faahsan uga soo saarto dilka Wasiirka iyo sida uu u dhacay.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia