4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2017
Faah faahin : Dilka wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska dowladda federaalka Soomaaliya

Arbaco, May, 03, 2017 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dilka caawa fiidkii magaalada Muqdisho gaar ahaan meel aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada  loogu geystay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji.

Ilaalada wasiirka ayaa lagu waramayaa in is rasaaseyn ay dhaxmartay ciidamo kale oo ilaalo u ahaa mas'uul ka tirsan dowladda oo aan ilaa iyo hadda la xaqiijin qofka uu yahay kadib markii ay kala shakiyeen waxaana is rasaaseynta labada dhinac ku geeriyooday wasiirka.

Hasse ahaatee warar kale oo ku saabsan dilka wasiirka ayaa sheegaya in dabley hubeysan rasaas ku fureen gaariga uu la socday wasiirka gacanta lagu dhigay.

Lama sheegin khasaare intaa dhaafsiisan hasse ahaatee wasiirka Cabaas oo la socday gaari Prado ah ayaa la sheegay in ay haleeshay rasaas u muuqatay mid leys weydaarsanayo, sida goob joogayaal sheegeen.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in wasiirka ay rasaas ku fureen ciidamo, baaritaan uu socday.

Ma'aha wax cusub is rasaaseynta inta badan dhaxmarta ciidamada dowladda hasse ahaatee waa markii ugu horeysay oo kala shakiga ciidamada uu ku geeriyoodo mas'uul ka tirsan gollaha xukuumada. 

Alle u naxariisteen Cabaas Siraaji sanadkii 1985 ayuu ku dhashay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

1992-dii qoyskiisa u guureen xerada Qaxootiga Dadhaab halkaasoo uu ku dhameeyay dugsiga sare sanadkii 2005.

waxbarashada heerka Jaamacadeedna waxaa la sheegay in uu ku qaatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sanadkii 2016 ayuu siyaasada ku soo biiray kadib markii uu ka mid noqday xildhibaannada gollaha shacabka ilaa markii danbe loo magacaabay wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumada cusub Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]