4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2017
Wasiir lagu dilay nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya


Arbaco, May, 03, 2017 (HOL) Cabaas Cabdullahi Siraaji, oo dhawaan loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska, ayaa caawa lagu toogtay nawaaxiga madaxtooyadda ee Soomaaliya.

Marxuum Cabaas Siraaji, ayaa noqday wasiirkii ugu da’da yaraa ee abid kasoo muuqda Gollaha wasiiradda, sidoo kallana Cabaas ayaa ka mid ahaa Baarlamaanka dowladda Federaalka, waxaana laga soo doortay deegaannadda Jubaland.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Injineer Cabdiraxmaan Yariisow ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku xaqiijiyey geerida.

Faafaahin dheer lagama hayo dilka wasiirka.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia