4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2017
Natiijada doorashada musharax Jubilee ee xaafadda Eastleigh deegaanka Kamakunji oo lagu muransan yahay


Musharaxiinta xisbiga Jubilee ee deegaanka Kamakunji: Simon Mbugua iyo Xildh. Yuusuf Xasan


Arbaco, May, 03, 2017 (HOL) - Doorashada hordhaca ah ee Jubilee deegaanka Kamakunji magaalada Nairobi, ayaa waxaa ka taagan muran xoogan.

Xildhibaanka deegaanka Yuusuf Xasan Cabdi, ayaa ku gacan seyray natiijadii kasoo baxday doorashadii qabsoontay toddobaadkii lasoo dhaafay.

Natiijada soo baxdey ayaa lagu sheegay in xildhibaan Yuusuf Xasan uu helay  6,000 oo cod, halka xildhibaan hore ee Simon Mbugua uu helay 10,000 oo cod.

Xildhibaan Yuusuf ayaa ku andacooday in isagu ay guusha raacday, ha yeeshee  ay dhacday wax is daba marin.

Doorashada hordhaca ah ee deegaanka ee Jubilee waxaa si addag ugu loolamay xubno kala duwan, oo uu kamid yahay  xildhibaankii hore ee Kamakunji Simon Mbugua, iyo xildhibaanka haatan ee deegaanka Yuusuf Xasan.

Xildhibaan Yuusuf, ayaa soo hoggaaminayey deegaankan toddobaadii sano ee lasoo dhaafey, isagoo is badalo horumarineed oo la taaban karo kusoo hordhiyey xaafadda Eastleigh, iyo guud ahaan deegaankan.

Sidoo kale, musharax xildhibaan Simon Mbugua, isaguna wuxuu ku adkeysanayaa in natiijada ay tahay sidii loo shaaciyey.

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la shaacin doono natiijada doorashadii ee deegaanka, oo haatan hortaala maxkamadda Jubilee.

Haddii ay dhacdo in natiijada laga war dhawrayo ee Jubilee ay noqoto mid aan u cuntamin xildhibaan Yuusuf, waxaa laga yaabaa inuu go’aan adag qaato.

Waxaa jira xubno kale oo Soomaali ah, kuwaasoo ka sharaxan xisbiyo kale, waxeyna u tartamayaan jagooyinka qeybaha kala duwan ee deegaanka.

Soomaalida degan Eastleigh ayaa si weyn ugu soo baxay codbixinta doorashada, taasoo lagu tilmaamay kaalinta ka qeyb qaadashada siyaasada Soomaalida oo kor u kacday.

Xisbiyada kala duwan ee dalkan Kenya, ayaa mid waliba wuxuu qabtay doorashada hordhac ah ee dhexdiisa ah, oo uu ku kala reebaayo musharaxiinta xad dhaafka ah, ee jagooyinka isku midka ah u tartamaya.

Muranka iyo is qabqabsiga wuxuu hareeyey xisbi waliba meeshuu doono doorasho hordhac ah haku qabtee, tani oo ay walaac ka muujiyeen shacabka.

Deegaanka Kamakunji, wuxuu ka tirsan yahay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, waana qeybta ay hoos tagto xaafadda Eastleigh, ee ay sida weyn ugu ganacsadaan dadka Soomaalida.

Saciid Antena
Nairobi, Kenya
[email protected]