4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2017
U gurmadka xaalada caafimaad darro ee ka taagan Buuhoodle oo xiisad siyaasadeed abuurtay

 

Arbaco, May, 03, 2017 (HOL) - Xiisad siyaasadeed ayaa ka abuurantay magaalada Buuhoodle iyadoo ay dadka degaankaasi la ildaran yihiin xaalad caafimaad darro.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa ku sugan magaalada Buuhoodle isagoo deegaano badan safar ku maray oo ka tirsan gobolka Cayn oo xaalad caafimaad xumo ay ka taagan tahay.

"Waxaan u soconey sidii aan xog-ogaal ugu noqon lahayn dhibaatooyinka ka jira gobolka, si aan wax uga qabano, wax qabadna waan samaynay hadana waxbaan qabanaynaa" sidaana waxaa yidhi Camey isagoo ka hadlayey magaalada Dandan oo dhinaca bari uga beegan Buuhoodle.

Madaxweyne Camey ayaa mashaariic badan dhagaxdhigay oo ay ka mid yihiin Ceelal, Xarumo Caafimaad, Iskoolo iyo wado Buuhoodle dhexmarta oo Laami ah, balse, waxaan u suuragelin in uu Booqdo dadka bukaanka ah ee ku sugan Isbitaalka Daryeel oo uu leeyahay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xaglatoosiye.

Dhinaca kale, wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xaglatoosiye ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey Buuhoodle, iyadoo soo dhaweyntani u muuqatey mid xamaasadaysan, waxaana uu lug ku maray wadada bartamaha magaalada isagoo dadka kula hadlay meel fagaare ah.

"Safarkaygu maaha mid istustus ku jiro ee waa mid wax qabad, dawlada Itoobiya gargaar ayay u soo fidisay dadka shubanku asiibay waana u mahad celinaynaa, balse waxaan ka codsanaynaa in ay naga daayaan dadka dhulkeeda soo maraya" ayuu yiri Xaglo isagoo u jeeda Madaxweyne ku xigeenka Puntland,

Wasiirka ayaa sheegay in waxqabad balaadhan ay wasaaradiisu ka geysatey xanuunka shubanka isagoo xusay in 13 tiim ay haatan ka joogaan halka uu Puntland ku eedeeyey in markii la xakameeyey xanuunkii ay soo yaaceen, waxaana xaglo uu marag gashanayey dadweynaha oo jawaabo taageero u ah ugu muujinaayey.

Labada dhinaca taageerayaashooda ayaa aad looga cabsi qabaa in ay isku dhac sameeyaan taasina ay sababto in isu ciidansi aafo reebaa uu halkaas ka dhasho sida ay dad badani qabaan weliba ciidamada Somaliland oo dhinacyo badan ka fadhiya oo uu u fudud yahay dhaqaaqu halka Puntland ay soo dhex marto dhul Itoobiya maamusho.

Seynab A Warsame

[email protected]

Gobolka Sool