4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 3 , 2017
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday qoysas barakacayaal ah

 

Arbaco, May, 03, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kormeeray xeryahay qoysaska barakacayaasha ah ee ku dhaw xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagay xerada barakacyaasha ee beerta daraawiishta ee ku taal agagaarka taalada Sayidka oo ku dhow Madaxtooyada.

Xeradan ayaa waxaa ku nool boqolaal qoysas oo ka soo barakacay gobolada dalka, waxaana kormeerka Madaxweynaha ku soo aaday, xilli dadkaas xaalado nololeed uu soo wajahay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u qeybiyay barakacayaasha Bacaha roobka laga galo iyo Bustayaal, oo ay si aad ah ugu baahi qabeen, maadaama roobab ay ka curteen magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

 

Kormeerkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee madaxweynaha uu ku tago xero ay degan yihiin barakacayaal, tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay, iyadoo goobaha barakacayaasha ka mid aheyd meelihii laga taageerayay xilligii doorashadiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]