4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 3 , 2017
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo goor dhaw la wareegay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan

 

Arbaco, May, 03, 2017 (HOL) – Sida uu warbaahinta u sheegay goor dhaw guddoomiyaha deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan Guhaad Cabdi Warsame ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa goor dhaw la wareegay gacan ku heynta deegaanka Halgan.

Maalmo ka hor ayaa waxaa halkaa isaga baxay dagaalamayaasha Al-shabaab oo ka hor war hellay dhaqdhaqaaqa ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM oo ka anbabaxay magaalada Beledweyne.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay howlgalka ciidamada dowladda iyo AMISOM, inkastoo weeraro dhabagal ah ay marar badan kala kulmeen xoogagga Al-shabaab inta u dhaxeysa magaalada Beledweyne iyo deegaanka Halgan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]