4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2017
Labo musharax oo isugu soo haray wareega labaad ee doorashada xilka madaxweynaha Galmudug

 Arbaco, May, 03, 2017 (HOL) -- Waxaa goor dhaw la soo gabagabeeyay wareegii koowaad ee doorashada xilka madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug oo ay ku tartamayeen saddex musharax oo kala ah Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Axmed Cali Hiloowle iyo Prof C/qaadir Max’ed Shirwac.

Wareegii hore musharixiinta ayaa codadka u kala helay Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku guuleystay 57 cod musharaxa ku soo xigay oo ah Axmed Cali Hiloowle ayaa hellay 24 cod, Prof C/qaadir Max’ed Shirwac ayaa hellay 7 cod, halka hal codna la sheegay in uu xumaaday.

Wareega labad waxaa u gudbay oo la filayaa in la kala saaro saacadaha soo socda musharixiinta kala ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo musharax Axmed Cali Hiloowle.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]