4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 3 , 2017
Doorashadii madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug oo goor dhaw bilaabatay

 

Arbaco, May, 03, 2017 (HOL) -- Waxaa goor dhaw si rasmi ah uga bilaabatay xarunta dowlad gobolleedka Galmudug ee magaalada Cadaado doorashada madaxweynihii labaad ee dowlad gobolleedka Galmudug oo ay ku tartamayan ilaa saddex musharax.

Xarunta doorashada waxaa jooga oo codadkooda dhiibanaya 89 xildhibaab, iyadoo gudiga doorashada ay halkaa ka akhriyeen hab raaca doorashada iyo codadka ay ku kala baxayaan musharixiinta.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu horkacayo wasiirka wasaarraada arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa ku sugan goobta doorashada, kuwaa oo la soconaya hadba sida ay wax u dhacayaan.

Saddexda musharax ee ku tartamaya doorashada ayaa kala ah Axmed Cali Hiloowle, Prof C/qaadir Maxamed Shirwac iyo Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo la filayo in midkoodu uu ku soo baxo xilka madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug.

Wixii ka soo kordha iyo natiijada doorashada waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]