4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2017
Qarax ka dhacay dalka Afganistan

 
Arbaco, May, 3, 2017 (HOL) -Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay magaalladda Kabul ee caasimada dalka Afgaanistan, sida saraakiisha caafimaadka ay sheegeen.

Qaraxa waxaa  fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa.

Wahid Mahrouh, oo ah afhayeenka Wasaaradda caafimaadka dalka Afgaanistan, ayaa sheegay in Afar qof ay dhinteen halka 36 kalana ay dhaawameen.

Ciidamada Police-ka ayaa feejignaan buuxda ku jira hadda, waxaana magaalladda laga dareemayaa cabsi xooggan.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas'uuliyada weerarka.

Halka Qaraxa uu ka dhacay ayaa ah Bar Kontorool oo ku taalla waddada Shash Darak oo ku dhow Xarunta Hay’adda Qaranka ee Difaaca Ammaanka.

Wixii kusoo kordha halkan kala soco:-

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia