4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2017
Real Madrid oo ka adkaatay Atletico Madrid iyo kulan caawa dhex mari doona kooxaha Monaco VS Juventus


Arbaco, May, 03, 2017 (HOL) -Kulan xiisa badan ayaa garoonka Santiago Bernabeu waxaa uu xalay ku dhex maray kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Ciyaarta oo ka tirsaneyd koobka Champions Leaque-ga, ayaa waxaa  3:0 ku adkaatay kooxda Real.

Labada koox oo daris ah ayaa soo wada bandhigay ciyaar xiisa badan oo buuq uu hareeyay, balse Real Madrid ayaa muujisay in ay xili ciyaareedkii labaad ay soo gaari karto finalka Champions Leaque-ga.

3-da gool ee kooxda Real ay ku adkaatay waxaa dhaliyay hogaamiyahooda Cristiano Ronaldo.

Cristiano Ronaldo ayaa indhaha Adduunka soo jiitay, waxaana uu soo bandhigay ciyaar aad u yaab badneyd

Real Madrid ayaa cadaadis saartay difaaca Ateltico Madrid oo ay waliba ka maqnaayeen xiddigihii uu Simeone inta badan difaaca ku adkaysan jirin

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Real Madrid  (4-3-3): Keylor Navas; Dani Carvajal, Sergio Ramos, Raphael Varane, Marcelo; Toni Kroos, Casemiro, Luka Modric; Isco, Karim Benzema, Cristiano Ronaldo.

Kaydka: Kiko Casilla, Nacho Fernandez, Mateo Kovacic, Marco Asensio, James Rodriguez, Lucas Vazquez, Alvaro Morata.

Atletico Madrid (4-4-2): Jan Oblak; Lucas Hernandez, Stefan Savic, Diego Godin, Filipe Luis; Koke, Gabi, Saul Niguez, Yannick Carrasco; Antoine Griezmann, Kevin Gameiro.

Kaydka :Miguel Angel Moya, Alberto Rodriguez, Tiago, Thomas Partey, Nicolas Gaitan, Angel Correa, Fernando Torres.



Dhinaca kale caawa Kooxda Juventus ayaa booqan doonta kooxda Monaco kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 4 dhamaadka tartanka champions league.

Kulanka: Monaco Vs Juventus

Tartanka: Champions leageu

Wakhtiga: 9:45 habeenimo

Garoonka: Stade Louis II

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia