Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in la joojiyey dabaaldegyaddii 18 May iyo fariin ay u direen Soomaaliya
Arbaco,May,03, 2017 (HOL)- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland,Cismaan C/llaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sheegay in munaasinadihii loogu
dabaaldegi jiray maalinta madax banaanidda Somaliland ee 18 May la joojiyey
abaaraha jira awgeed.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay
in dabaaldegii lagu weynayn jiray 18 may ee dhaqaalaha badan ku bixi jiray
sanadkan la joojiyey, isla markaana dhaqaalahaasi ku bixi jiray loo leexin
doono in abaaraha wax lagaga qabto, maadaama oo abaartani saamaysay dad iyo
duunyaba,
“Waxaa innagu soo fool
leh xuskii
munaasibadda 18-ka Mnay, waxaannu go’aamiyay madaxweynaha Somaliland,
Axmed
Siilaanyo in 18-ka May dabaal-degeedii aynu sannad walba samayn jirnay
25-kii sannadood ee la soo dhaafay in aanu sannadkan sidii hore u dhici
doonin. In qaranka Somaliland gobol iyo degmaba in lacagtii lagu
dabaal-degi jiray loo bedalo
gurmadka abaaraha.”ayuu yidhi.
Waxaanu intaas ku daray “Waxaa la
go’aamiyay in shacabka Somaliland haddii qurbajooga tahayba guud ahaanba
ummadda reer Somaliland meel kastoo ay joogaanba inay sannadkan guntiga dhiisha
iskaga dhigaan, oo ay si adag uga fikiraan sidii aynu gurmadka abaaraha uga qaybqaadan
lahayn oo wax kastoo dabaal-degaasi ah aynu u bedalo qaadhaan ururin aynu dadkeenna abaaruhu soo baro kiciyeen in aynu
la wadaagno.”
Sidoo kale, wasiirku waxa uu ka
hadlay ciidamo la sheegay in Buuhoodle laga qorayo oo dawlada Fadaraalka
Soomaaliya doonayso inay saldhig xero ka samaysto magaaladda Buuhoodle, isagoo
arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi ““ciidamada Africa ugu xooga weynaa ee
Soomaaliya, xilligii Maxamed Siyaad Barre, ee Somaliland la dagaalantay, ciddii
dawladaas burburisay waa Somaliland. ragga maanta Soomaaliya ka taliyaana ha ku
cimro qaataan baanu leenahay. Annagu
waxaanu nahay dawlad iyo dal doonaya inuu nabadgelyo kula noolaado jaarkiisa oo
dhan. Waxase naga go’an oo balan ah inaanaan xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland
cidna u dabofadhiisanaynin.”
Waxaanu intaas ku daray “Waxaanu
leenahay Soomaaliya, dalkiina ayaa idiinka baahan inaan nabadgelyadiisa
sugtaan, Somaliland xuduudaheeda way sugaysaa, waxaanan fariintan u diraynaa
Madaxweynaha, Ra’iisul-wasaaraha iyo shacabka Soomaaliya, waxaana doonaynaa
inaanu dad jaar ah oo saaxiibo ah noqonno, haddiise aad ku soo xadgudubtaan oo
aad istidhaahdaan hagar-daameeya qaranka Somaliland, waxa hubaal ah in sidii
kuwii hore ugu fashilmeen si ka xun ugu fashilmi doontaan.”
Dhinaca kale,waxa uu wasiirka
Warfaafinta Cadaani eeddo usoo jeediyey xisbiga mucaaradka ah ee WADANI oo uu
sheegay inay la safan yihiin Soomaaliya.
“xisbiga Waddani waxaan
leeyahay markii aad
war-wareegayseen Yurub ee lacagtii ay
qurba joogu ugu tallo galeen in ay dadkoodda ku caawiyaan, ee aydun idinkuna lahaydeen
qarankiyo dalku wuu burbursan yahay oo waxba ma jiraane annaga wax dhisaynee na
siiya.Beenta iyo hagar-daamada xafiisyadda Yurub aad la marayseen adiga iyo
Cirro, madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisu iyaguna waxay ku hawlanaayeen sidii ay uga hawlgeli lahaayeen taakulaynta
dadka abaartu haleeshay,”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay
inay gurmad badan ka gaysteen dadka abaaruhu saameeyeen oo raashin iyo biyo u
direen deegaamooyinka badan ee abaartu ugu darnayd.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.