4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2017
Ciidamada Soomaaliland oo macalimiin iyo arday dhigata madarasad ku taala magaalada Hargeysa xabsi u taxaabay

Arbaco, May, 03, 2017 (HOL) –Ciidanka Booliska Somaliland ayaa habeen hore la sheegay inay soo xidheen macalimiin iyo arday hablo ah oo wax ka dhiganayey madarasad ku taala magaaladda Hargeysa.

Madarasadan ayaa ahayd mid hablaha gaar u ah,isla markaana ay dhigtaan hablaha yar yar ee qurbaha laga soo celiyo, waana dugsiyadda la seexdo (Boarding School),ardaydan hablaha ah ayaa inta badan lagu siiyaa dhaqan celin iyo in quraanka la baro.

Madarasadan ayaa macalimiinta iyo ardayduba yihiin dumar,isla markaana ay u badan yihiin qurbo joogta dibadda ka timaada in caruurtoodda lagu baro diinta iyo quraanka kariim ah sida HOL u sheegeen dad ka ag dhow Madarasadan.

Hase ahaatee ciidamada ayaa ardaydii hablaha ahaa iyo macalimiintoodii xabsiga u taxaabay, waxaana la sheegayaa in wakhtigaasi hawlgalka socday ay ciidamada la socdeen dad ajanabi ah oo cadaan ah, waxaana wararka qaar sheegayaan in ardaydii ay waraysteen saraakiil Ajanabi ah oo ka socda wadamadda Yurub, islamarkaana ardaydaasi u sheegeen in dalkoooda ay ka yimaadeen in lagu celiyo.

Sidoo kale, waalidka caruurtan dhalay ayaa diidan in caruurtoodda dib loo celiyo,isla markaana ay iyagu raali ka yihiin inay bartaan diinta iyo quraanka, haseyeeshee aanay rabin in dib loo celiyo caruurtoodda, waxaanay sheegeen in Caruurtoodii aanay wali ka war hayn halka ay ku sugan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda kama hadal ciidanka boolisku iyo xukuumaduba xabsiga lagu sameeyey macalimiintan iyo ardaydan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland