4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 27, 2017
Soomaaliya oo yeelaneysa manhaj mideysan

 

Sabti, May, 27, 2017 (HOL) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday markii ugu horeysay in sameynayso Manhaj cusub ka soo loogu talagalay in lagu hormariyo waxbarashada carruurta Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa waxaa uu sheegay in ay bilaabayaan qorista manhajka waxbarashada Soomaaliya .

Sidoo kale wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya yeelato manhaj dalka oo dhan laga wada barto.

Wasiirka ayaa xusay in sanadka 2018-da Manhaj mid ah dalku uu yeelan doono ,islamarkaana la geli doono imtixaan mid ah.

 

Dhaliisha ugu weyn ee loo jeediyo waxbarashada Soomaaliya ayaa ah in aysan laheyn manhaj mideysan oo isku mid ah wax lagu baro ardeyda Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]