4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 27, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya oo fariin u diray shacabka Soomaaliyeed

 

Sabti, May, 27, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay caawiyaan dadka dhibaateysan inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee wax heysta laga doonaayo in ay caawiyaan dadka masaakiinta ah ee gargaarka u baahan .

Waxaa uu tilmaamay madaxweynaha in ay muhiim tahay in la afuriyo dadka aan haysan waxyaabo ay ku afuraan.

Dhinaca kale waxaa uu umadda Soomaaliyeed ugu hambaleeyay bilashada bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu caawinaayo dadka Soomaaliyeed ee Masaakiinta ah ee ku soo ceyrtoobay abaarihii ku dhuftay Soomaaliya, kaddib markii wasaarrada gargaarka iyo ka hortaga masiibooyinka ku dhawaaqday olale lagu afurinayo dad ka badan hal milyan oo Soomaali ah bisha Ramadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]