Sabti, May, 27, 2017 (HOL) – Iyadoo maalmihii ugu
danbeeyay weeraro loo adeegsanayay qaraxyo ay ka dhaceen deegaanno ka tirsan
gobolka Waqooyi Bari, ayeey sheegtay dowladda Kenya in ay ka foojigan tahay
weeraro mar kale uga yimaada dhinaca Al-shabaab.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in si weyn loo adkeeyay ammaanka xadka ay la
wadaagto dalka Soomaaliya, islamarkaana
ciidamada ay wadaan howgallo lagu baadigoobaayo dagaalyahanada ka tirsan
Al-shabaab ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya iyo sidoo kale xadka ay
wadagaan labada dal.
Kenya ayaa xustay in ay heshay xog ku aadan in Al-Shabaab ay qorsheynayaan
weeraro ay ka geystaan dalka Kenya, gaar ahaan magaalooyinka Gaarissa iyo
Mandera ee gobolka Waqoo Bari ee dalka Kenya.
Sarkaal ka tirsan sirdoonka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda
Kenya ay ku jirto feejignaan dheeri ah, islamarkaana ciidankeeda ay diyaar u
yihiin in ay Al-Shabaab ka ilaaliyaan in ay kasoo gudbaan xadka wadaagaan
labada dal.
Dhawaan ayeey aheyd markii dowladda Kenya boqolaal ka mid ah askarteeda ay geysay xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]