3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2017
Soomaali laga soo tarxiilay Maraykanka oo markii afaraad la keenay magaalladda Muqdisho

 
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) –Garoonka diyaaradaha ee magaalladda Muqdishu, waxaa shalay soo caga dhigatay diyaarad sidday inkabada 50 qof oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka, sida ay sheegeen saraakiisha garoonka Aadan Adde.

Mas’uuliyiinta dalka Maraykanka ayaa sheegay in dadkan ay ku jireen xabsiyo ku yaalla Maraykanka, halka qaar kalena ay ku guuldarraysteen inay magangelyo helaan.

Waa kooxdii afaraad ee muwaadiniin Soomaali ah ee laga soo tarxiilo Maraykanka tan iyo markii madaxweyne uu noqday Donald Trump.

Bishii Jannaayo waxaa lasoo tarxiilay 90 qof, halka bishii Maarso lasoo tarxiilay 68 qof, sidoo kalana bishii May waxaa lasoo tarxiilay 67 qof oo Soomaali ah.

12-kii bishan April, Safiirka Soomaaliya ee Maryakanka Axmed Ciise Awad, ayaa sheegay in safaaradda ay oggaatay in hay'addaha socdaalka Maraykanku ay qorsheynayaan inay masaafuriyaan ilaa 4 kun oo Soomaali ah oo iminka ku nool Maraykanka.

Safiir Axmed Ciise Cawad, ayaa sidoo kale sheegay inta badan dadka lasoo masaafurinayo in aysan ku jirin xarruumaha dadka lagu hayo.
Safaaradda Soomaalidda ee magaalladda Washington, ayaa dib loo furay bishii November ee sanadkii 2015.

Dhinaca kale Brendan Raedy, oo ah afhayeenka ICE, waaxda fulinta socdaalka iyo kastamka ayaa sheegay in ay jiraa dad badan oo Soomaali oo sugaya in lasoo tarxiilo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia














Click here
5/27/2017 4:04 PM EST
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) - Kooxda kubada cagta ee Arsenal oo marka la eego kala horeynta horyaalka Ingariiska ku jirta kaalinta Shanaad ayaa caawa ku guuleysatay Koobka FA CUPka.

5/27/2017 9:26 AM EST
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) –Ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Africa ee AMISOM, ayaa dib maanta ula wareegay degaanka Goof-Gaduud oo 30-KM u jira Magaalladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, sida warbaahinta dowladda ay sheegtay.

5/27/2017 8:40 AM EST
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) -Madaxweyne dalka Soomaaliya mudane Farmaajo iyo RW dalka Canada Justin Trudeau ayaa fariin halkaan ku diray ku beegan bisha barakeysan ee Ramadaan

5/27/2017 8:09 AM EST
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) - Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in 300 oo Askari iyo tababarayaal u soo diri doonto Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho bisha August oo sanadkan.

5/27/2017 8:09 AM EST
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) –Wafdi uu hogaaminayo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Michael Keating ayaa gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, ayadoo halaasi ay kusoo dhaweeyeen masuuliiyii ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland.

5/27/2017 7:40 AM EST
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) –Tartankan oo ah mid la qabto sanad walba marka la gaaro bisha Barakeeysan ee Ramadaan ayaa waxaa ku loolama arday kala mataleeysa dugsiyada barashada qur'aanka kariimka ee magaalada Kismaayo.

5/27/2017 6:45 AM EST
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) - Maxkamada darrajada koowaad ee ciidamada Puntland ayaa xukun dil ah ku riday shan dhalinyarro ah oo sidda la sheegay dhawaan lagu qabtay iyaga oo la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

5/27/2017 6:20 AM EST
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) –Doon kalluumeysi iyo 21 kamid ah shaqaallihii saarnaa ayaa waxaa afduubtay maanta kooxo burcad-Baddeed ah, sida warbaahinta koonfurta Kuuriya ay sheegeen.

5/27/2017 5:55 AM EST
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) - Maleeshiyaad hubeysan ayaa deegaan lagu magacaabo Caliwaal oo ka tirsan deegaanka Balibusle ee bariga gobolka Mudug waxaaay ku dishay laba wiil oo walaalo ah, waxaana dadka deegaanka ay dilkan ku sheegeen in uu salka ku hayo aano qabiil.

5/27/2017 5:15 AM EST
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) – Dowladda Imaaraadka Carabta oo dhawaan la wareegtay dekedda Berbera oo ay isticmaalayan saldhig militari, iyaga oo isku diyaarinaya weeraradii ugu horeeyay oo ay halkaa ka qaadaan.

5/27/2017 4:24 AM EST
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday markii ugu horeysay in sameynayso manhaj cusub ka soo loogu talagalay in lagu hormariyo waxbarashada carruurta Soomaaliyeed.

5/27/2017 3:30 AM EST
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay caawiyaan dadka dhibaateysan inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.

5/27/2017 2:55 AM EST
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) – Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay weeraro loo adeegsanayay qaraxyo ay ka dhaceen deegaanno ka tirsan gobolka Waqooyi Bari, ayeey sheegtay dowladda Kenya in ay ka foojigan tahay weeraro mar kale uga yimaada dhinaca Al-shabaab.

5/27/2017 2:01 AM EST
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) –Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaallaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac, ayaa sheegay in ay dhimeen waqtiyadii Shaqadda ee Shaqaallaha Rayidka inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.