4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2017
Madaxweynaha Koonfur Afrika oo saxiixay Hindise cusub oo Muhaajiriin dhan Hal Milyan oo qof ay dalka kaga sii shaqaysan karaan


Jimco, May, 26, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur Africa Jocob Zuma ayaa saxiixay sharci cusub oo dadka soo galootiga ah u ogalaanaya in ay qaadan karaan ama badali karaan sharcigooda qaxootinimo ka dib kulan uu shir gudoominayay oo ay yeesheen golaha wasiirada ee Koonfur Afrika.

Arintan ayaa qaxootiga u saamaxaysa in ay heli karaan shaqooyin , isla markaana ay ka bixi karaan xayndaab kasta oo cunaqabatayn iyaga lagu saari karo, waxaana arintan la sheegay in ay fursado cusub oo dhaqaale ay u abaarayso dadka magan-galyo doonka ah.

Qorshahan ayaa bilaaban doona asbuuca labaad ee bisha todobaad ee sanadkan aynu ku jirno , waxaana hal milyan oo qof oo dalka Koonfur Afrika ku nool ay fursad u haystaan in loo cusboonaysiiyo waraaqahooda shaqada muddo laba sano ah.

Wasiirka Guriyaynta Koonfur Afrika Prof. Hlengiwe oo shaacisay arintan ayaa sheegtay in madaxweynaha uu saxiixay qorshahan oo ay sheegtay in uu dhawaan bilaaban doono ,iyada oo muhaajiriinta ay dalban karaan waraaqaha cusboonaysiinta  ee dhanka shaqada.

“Waxaan idiin cadayn karaa in golaha wasiirada ay si rasmi ah u ansixiyaan hindisahan cusub “ ayey tiri wasiiradda oo aan si faah-faahsan uga hadlin qorshahan cusub oo ay soo dhaweeyeen boqolaal muhaajiriin ah oo dalkaas ku nool.

Ugu danbayn, dalka Koonfur Afrika ayaa caan ku ah beegsiga dadka soo galootiga ah iyo ajnabi nacaybka gaar ahaan kuwa Afrikaanka ah oo inta badan la beegsado ,iyaga oo ku sugan xarumahooda ganacsiyada ee ku yaala magaalooyinka waa weyn ee dalkaas.

Faysal M. Hassan
[email protected]