4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo noqday

 https://www.hiiraan.com/images/2017/May/
Jimco, May, 26, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday, kadib maalmo uu booqasho ku joogay qaar kamid ah wadamadda Khaliijka iyo Jabuuti.

Farmaajo ayaa intii uu joogay dalka Sacuudiga waxaa uu ka qeyb-galay shirkii Madaxweynaha dalka Maraykanka Trump iyo hogaamiyaasha Islaamka, waxaana markii uu shirkaasi dhamaaday uu la kumay Madaxweyne Trump.

Mudane Farmaajo ayaa intii uu joogay dalka Qatar waxaa uu la kulmay Boqorka dalka Qadar Emir H H Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Madaxweynaha iyo Boqorka ayaa ka wada hadlay, taageeradda dowladda cusub ee Soomaaliya, sara u qaalidda ammaanka iyo deganaashaha Soomaaliya, xiriir joogta ah in ay labada wadan yeeshaan iyo dowladda Qadar in ay taageerto Bajadka dowladda Soomaaliya ee bilaabanaya bisha soo socota.

Amiirka Dalka Qatar  Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa ballan qaaday inay Dowladdiisu Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada dhaqaalaha, dib u dhiska iyo howlaha horumarinta Waddanka.

Mudane Farmaajo iyo wafdigiisa wasiirrada ah ayaa uga mahad celiyey Dowladda Qatar taageerada ay weligeed la garab taagneyd shacabka Sooomaaliyeed iyo mashaariicda ay ka wadaan Dalka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia