4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2017
Wasiirka Gargaarka oo maanta ku dhawaaqday mashruuc lagu afurinayo 1.1 Million oo Soomaali ah

https://www.hiiraan.com/images/2017/May/ 
Jimco, May, 26, 2017 (HOL) –Wasiirka Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim, ayaa maanta oo jimca ah daahfurtay mashruuc cusub oo la doonayo in lagu afuriyo 1.1 million oo Soomaali oo ku nool gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiiradda ayaa sheegtay in howsha inteeda badan laga fulin doono goobaha ay saameyeen abaaraha ee gudaha dalka Soomaaliya.

“Waxaan daahfurnay mashruuca afurinta ee bisha Ramadaan oo 1.1 malyuun oo Somali la afurinaayo. Hawshaas waxaa laga fulin doonaa dalka oo dhan”, sidaasi ayeey tiri Wasiirka Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim.

Mashruuca ayaa waxaa uu ka koobnaan doonaa noocyadda cuntada gaar ahaan mida bisil.

Fulinta mushruucan ayaa waxaa soo dhoweeyay dadka ku nool magalladda Muqdishu oo u arka mid ay ka faa’iideysan donaan dhamaan dadka danta yar ee ay abaaraha saameyeen.

Gobollo farabadan oo ka tirsan deegaannada Dalka ayaa waxaa ka jira abaaro aad u xooggan oo dalka iyo duunyadiiba saameeyeyay.

Bisha Ramadaan ayaa waxaa ay tahay mid fooda nagu soo heysa, waxaana la isku diyaarinayaa sidii loo gudan lahaa waajibaadka bisha Ramadaan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia