4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2017
Dalka Yemen oo lagu aasay 31 qof oo Soomaali ah oo diyaarado ay duqeyeen iyagoo Doon saaran

 

Jimco, May, 26, 2017 (HOL) –Dalka Yemen waxaa shalay oo khamiis aheyd lagu aasay Allaha unaxariistee meydadka 31 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ahaa oo lagu duqeyay doon ay saarnaayeen 17 Marso 2017.

Diyaaradaha dagaalka ee isbahaysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa soomaalidaasi ku dilay dalka Yemen, kadib duqeyn ka dhacday dalkaasi.

Qunsulka Soomaaliya ee magaalladda Cadan Mudane Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaani, ayaa sheegay dadaal dheer ah kadib in shalay la aasay meydadka, waxana dhinaca kale uu sheegay in xabsiyada ay ka sii daayeen 115 qof oo isugu jira carruur, haween iyo rag oo ka badbaaday duqeyntaasi, kuwaa oo qaarkood qaba dhaawacyo.

“Waxaan kula ku guulaysanay aaska qaxootigii Soomaaliyeed ee lagu laayey doonta 17 Marso 2017, dadaalo aan kala go` lahayn iyo xiriiro joogta ah kadib waxaan noo suurto gashay aaskooda, oo runtii wal -wal iyo walbahaar iyo xanuunba ku hayey madaxda qaranka, ehellada iyo qaraabda ay dadkaas ka dhinteen oo tiro ahaan gaaraysa 31 ruux oo isugu jira rag iyo dumar” ayuu yiri Mudane Axmed Suudaani.

Waxaa dhinaca kale uu hadalkiisa uu sii raciyay in magaalladda Sanca la geeyey 115-ka Qof ee laga soo daayay xabsiyada si loogu sameeyo baaritaan caafimaad iyo inay ka soo kabtaan dhibaatadii xabsiga mudada dheer ee ay ku jireen.

Dalka Yemen ayaa dagaal sokeeye oo xun ka jiray tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii 2015kii, saddex meloodow labo ka mid ah bulshada dalkaasina waxay qarka u saaran yihiin in ay maculuuli ku habsato.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia