4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2017
Farmaajo iyo Boqorta dalka Qadar oo ka wada hadlay, taageeradda Bajadka dowladda, fududeynta wada hadalo iyo amniga

 
Jimco, May, 26, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Boqorka dalka Qadar Emir H H Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa kulan guul iyo mira dhal kusoo dhamaaday ku yeeshay magaalladda Doha ee caasimada dalka Qadar, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda dalka Qadar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

Madaxweynaha iyo Boqorka ayaa ka wada hadlay, taageeradda dowladda cusub ee Soomaaliya, sara u qaalidda ammaanka iyo deganaashaha Soomaaliya, xiriir joogta ah in ay labada wadan yeeshaan iyo dowladda Qadar in ay taageerto Bajadka dowladda Soomaaliya ee bilaabanaya bisha soo socota.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Qadar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, ayaa sidoo kale sheegay in walaac xooggan ay ka muujinayaan dagaalka dowladda ay kula jirto kooxaha argagixisada, waxaana uu cambaareeyay falal dembiyeedyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya iyo walaaca laga muujinayo amniga iyo deganaashaha.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ayaa sheegay in labada dowladdood ay isku raaceen sii wadidda barnaamijyada ku saabsan xiriirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in Qadar ay fuliso wadahadalo lagu dhameynayo xiisadaha murugsan ee Soomaaliya ka taagan.

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan magaalladda Doha ee Dalka Qadar, ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.

Madaxweynaha waxaa Safarkiisa ku wehliya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Waxaa iyagana ay la kulmeen Wasiirrada dhiggooda ah.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia