4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2017
Soomaaliland oo diiday lacagtii abaaraha ee dowladda Soomaaliya ugu deeqday

 

Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Shirkii Golaha Wasiirada ee xukuumadda Somaliland ayaa lagu go’aamiyey in aanay Soomaaliya ka qaadanin lacag laba boqol oo kun oo doolar ah oo guddida abaaraha Soomaaliya sheegeen inay ugu deeqayaan Somaliland.

Somaliland ayaa sheegtay inay hadda ku jiraan ka soo kabashadda abaaraha oo loo ururiyey lacag dhan saddex milyan iyo laba boqol taas oo qorshuhu ku jiro in la ururiyo lix milyan si dadka abaaraha wax ku noqday loo taakuleeyo.

“Shirkii golaha Wasiiradda Ee Tirsigiisu Ahaa 2/25/2017 -220 Oo uu gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa lagu gudoomiyay in aan la aqbalin lacagta 200,000$ ah ee dawlada aynu jaarka nahay ee Soomaliya tidhi waxaan ugu deeqay maamul goboleedyada Soomaaliya oo aanay Jamhuuriyada Soomaaliland kamid ahayn waxaanu sheegayaa in Somaliland tahay dal madaxbanana.”ayaa yidhi wasiirka Warfaafinta Cadaani oo ka hadlayey shirkii golaha wasiiradda go’aamadii ka soo baxay.

Waxaana intaas ku daray “Waxa kale oo aanu sheegayaa dawladda Soomaliya in Umadda Soomaaliland ay kujirto Qorshaha kasoo kabashada Abaaraha lana ururiyey lacag dhan 3281,940.55, Qorshuhuna yahay in la ururiyo lacag dhan 6 milyan oo Dollar, lana filayo sida hawshaasi usocoto in ay lacagtaasi ka badato.Waxa kale oo aanu Umadda Somaliland ugu baaqaynaa inay ka dhiidhiiyaan Quudhsiga Soomaaliya wado oo ficil ahaan u bedelaan inay ururiyaan lacagtaas balaadhan oo ay aduun weynaha iyo Soomaaliyaba tusaan inaynu  nahay Umadd isu damqata oo isku tashada cid ama gobol Soomaaliland ah oo aqbali karaana majiro lacagtaas Soomaaliya.”

Sidoo kale, waxa uu sheegay wasiir Cadaani in shirkii wasiiradda lagu go’aamiyey in qaadhaanka la ururinayo uu wasiir waliba bixin doonno shan boqol oo dollar, agaasimeyaashuna bixin doonaan laba boqol oo dollar.

Wasiirka waxa kale oo uu ka hadlay hadal ka soo yeedhay madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland, waxaanu yidhi “Waxaa kale oo madaxweyne ku xigeenka Putland sheegay in ay Putland iyo Soomaliland heshiiska DP WORLD dawladda Soomaaliya u saxeexday, waxa kale oo uu ku daray in dawladda Somaaliland ka baqayso dadkeeda oo aanay u sheegi karayn. Waxaan leeyahay Dawladda Soomaaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Md.Axmed Maxamed Silaanyo waa dawlad dadku doortay waxa ka dhaxeeyaana yahay in run lagu wada shaqeeyo, Soomaaliya madaxweyneheedu umuu cawdeen dawladda Imaaraadka Carabta hadii uu saxeexay heshiiskaasi. Heshiiska waxa lagu saxeexay fagaare waxaana wadankan u saxeexay wasiirka arrimaha debada Dr.Sacad Cali shire, ayaa saxeexay arrinkaas DP WORLD iyo saldhigaba . Hadii ay saxeexeen maxay u iman waayeen markii lagu wareejinayay DP WORLD aduunka oo dhan ayaa wax ka qoray, waar haday awoodaa leeyihiin iyaga ayaa ka talin lahaa ee iskamay fadhiyeen.”

Wasiirka waxa kale oo uu sheegay in shir warbaahinta iyo xukuumaddu shalay ku yeesheen xarunta madxtooyadda la isku afgartay in cafis lagu siidaayo wariye Cabdimaalik Coldoon oo maxkamadda gobolku ku xukuntay laba sanno.

“Waxa shalay qabsoomay shir ay Saxaafadda iyo dawladu ay wada galeen oo lagaga wada hadlay arrimo dhawr ah.Shirkaas midhadhalkiisuna waxa uu dhalay in madaxweynaha Soomaaliland  Axmed Maxamed Silaanyo cafis u fidiyay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ahaa weriye maxkamada gobolka maroodi-jeex denbi Qaran ku xukuntay kaas oo ahaa 2 sano oo xadhig ah, isagoo tixgalinaya madaxweynuhu weydiintii ay weydiisteen eheladii iyo madax dhaqameed badan ayuu maanta madaxweynuhu u fidiyay cafis madaxweyne, weriyahaasi.”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.