4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2017
Faah faahin ka soo baxeysa qarax lagu dilay ciidamo Kenyaan ah

 

Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Labo askari oo ka tirsan ciidmada Kenya ayaa lagu dilay Qarax ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Waqooyi Bari .

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtayy gaari ay wateen ciidamada dalka Kenya, waxaana halkaasi ku dhintay labada askari oo ka tirsan booliska dalka Kenya.

Qaraxan, ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Malelei ee Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo gaariga uu maraayay markii miinada ay la qarxeysay.

Laba qarax oo kala duwan oo shalay dhacay ayaa lagu dilay sideed askari oo ka tirsanaa ciidamada dalka Kenya.

Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya ayaa sheegtayayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]