Qof madaxa looga jiro ''Dhimirka la'' oo dad ku dilay deegaanka Bacaad-weyn ee gobolka Mudug
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka
Bacaad-weyn ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in qof madaxa looga jiro ''Dhimirka La''
dil iyo dhaawac ku geystay dad shacab ah.
Dadka ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in rasaas khasaare
sababtay ninka ku furay dad shacab ah, waxaana goobta ku dhintay qof rayid ah,
halka shan kale oo ruuxna ay goobta ku dhaawacmeen.
Ninka falka geystay ayaa la sheegay in markii danbe uu goobta isaga tagay
waxaana argagax iyo cabsi arintan ku abuurtay shacabka deegaanka.
Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Bacaad-weyn ayaa warbaahinta u
xaqiijiyay in qofka falka geystay madaxa looga jiray, waxaana ay intaa ku
darreen in lagu raad joogo.
Dhacdadan ayaa walwal iyo baqdin ku
abuurtay dadka deegaanka, iyaga oo ka cabsi qaba in wax yeelo kale uu geysto
madaama aan wali gacanta lagu dhigin, islamarkaana uu heysto qorigii uu dadka
ku dilay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]