4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 25, 2017
Mareykanka oo dhaqaale ku bixinaya abaarta ka jirta Soomaaliya

 

Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa maanta waxaa ay ku dhawaaqday 329 million oo dollar in ay uga qeyb qaadaneyso abaaraha wadaada South Sudan, Nigeria, Soomalia iyo Yemen.

Xukuumada Washington ayaa sheegtay in afartan waddan ka jiraann Abaaro, aad u daran loona baahan yahay in kaalmo deg deg ah lala soo gaaro.

Dadka ay Abaaraha saameyeen ayeey sheegtay in ay siin doonaan, cunooyin nafaqeysan, dawooyin, biyo nadiif ah iyo agabyo ay ku dhistaan guryo.

Sarkaal u hadlay dowladda Mareykanka ayaa sheegay in toban milyan oo qof ay u baahn yihiin gargaar bani’aadanimo.

Soomaaliya ayeey dowladda Mareykanka sheegtay in markii horeba shacabkeedu la daalaa dhacayeen dagaallo, hasse ahaatee ugu darsameen sidda ay hadalka u dhigtay abaar iyo macaluul baahsan.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya ka taageera arrimaha bani’aadnimada, la dagaalanka Al-shabaab iyo dib u dhiska ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]