4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2017
Aabaha dhalay wiilkii ka danbeeyay qaraxii Manchester oo baaritaan lagu hayo

 

Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Dowladda Liibiya ayaa baareysa Ramadaan Abedi oo ah Aabaha dhalay wiilkii qaraxa ka geystay goob bandhig fanneed ah oo ku taalla magaalada Manchester halkaasoo ay ku dhinteen 22 ruux.

Sidoo kale ciidamada Liibiya ayaa xiray wiil ay walaalo ahaayeen Salman Abedi, kaa oo la sheegay in uu la hadlay wax yar uu ka hor walaalkii inta uusan qaraxa geysan.

Aabaha dhalay is qarxiyaha ayaa beeniyay in wiilkiisa uu xiriir la lahaa kooxda Daacish, isaga oo sheegay in ay wada hadlleen maalmo uun ka hor waqtiga uu falkan dhacay islamarkaana u sheegay in wax walba caadi yihiin.

‘’Waxaan la hadlay shan maalmood ka hor, waxaa uu ii sheegay in wax walba wanaagsan yihiin, ayuu yiri Ramadaan Abedi.

Ciidamada amaanka Britan ayaa sidoo kale xabsiga dhigay dad dhowr ah oo lagu tuhmayo weerarkii lagu dilay 22-qof ee ka dhacay Manchester, waxaana dadka la xiray ku jira haweeney ay ka shakiyeen ciidamada amaanka.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay masuuliyada qaraxii ka dhacay magalaada Machester ee lagu dilay 22-qof ay caruur ku jireen, waxaana weerarkasai fuliyay wiil 22-sano jir ah oo asalkiisu Liibiyaan yahay balse ku dhashay magaalada Manchester.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]