4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2017
Xukuumada federaalka oo ka hadashay sababaha oo celcelinaya qaraxyada Muqdisho

 

Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Iyadoo waayadii ugu danbeeyay Al-shabaab kordhiyeen weerarada iyo qaraxyada lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay dadku ku badan yihiin ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa arinta ka hadashay xukuumada Soomaaliya.

Xukuumadda ayaa sheegtay in dowladda ku howlan tahay qorshayaal lagu xoojinayo amniga Muqdisho islamarkaana la doonayo in looga hortago weerarada ay ku bartilmaameesadaan dadka shacabka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo la hadlay VOA ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in ay ka go’an tahay adkeynta Amniga, taasina aysan waxba u dhimeyn.

‘’Kaddib markii ay ka war helleen qorshayaasha dowladda ee ka dhanka ah weerarada ay geysanayaan ayeey labo jibaareen dhibaatada ay u geysanayaan dadka shacabka ah, waad ogtihii qaraxii shalay waxaa ay ku dileen dad rayid ah’’ayuu yiri wasiirka.

Qarax gaari oo shalay gelinkii dambe ka dhacay agagaarka dekadda magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 6 ruux halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 10 Qof in ka badan, Shabaab ayaa masuuliyadda weerarkan sheegtay.

Weerarada iyo qaraxyada ay geysanayaan Al-shabaab ayaa dhamaantood imanaya xili dowladda federaalka ay diyaarisay ciidamo dheeraad ah oo loogu talagalay fulinta qorshaha xasilinta caasimada oo maalmihii ugu danbeeyay howlgalo ka waday qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]