4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre : Xiliyada habeenkii ayuu shaqeyn doonaa garoonka diyaaradaha Muqdisho

 

Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo kormeeray maalintii shalay dhabbaha ay ka duulaan diyaaradaha ee garoonka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xiliyada habeenkii uu shaqeyn doono garoonka.

Nalalka iftiimiya dhabaha ay diyaaradaha ka haadaan ee garoonka ayaa waxaa todobaadkan lagu wareejiyay wasaaradda Gaadiidka, cirka iyo dhulka, kaddib markii dowladdu soo iibsatay, isla markaana u keentay shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in suritaanka nalalkan suura gelinaya in habeenkii diyaaradaha ka soo degaan garoonka uu qaadan doono muddo todobaad ah, waxaana uu ammaan u jeediyay Wasaaradda iyo shaqaalaha garoonka.

“Waxaa u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in garoonka diyaaradaha uu shaqeyn doono habeen iyo maalin, nalalkan aan ku xirnay wuxuu suura gelinaya in garoonka habeenkii diyaaradaha ka soo degaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khere.

Tan iyo bur burkii garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaan xilliyada habeenkii shaqeyn, hase ahaatee waxaa habeenada qaar ka soo dega diyaarado loo maleynayo inay yihiin diyaarado milateri.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]