4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2017
Website-ka Telefishinka Al Jazeera oo laga mamnuucay qaar kamid ah wadamadda Khaliijka

 
Arbaco, May, 24, 2017 (HOL) -Website-ka shabakadda Warbaahinta (Al Jazeera Media Network) ee fadhigeeda dhexe uu ku yaallo magaalladda Doha ee caasimadda dalka Qadar, ayaa laga mamnuucay qaar kamid ah wadamadda Khaliijka, sida Sacuudiga iyo dalka Imaaraadka Carabta, sida dowladdaha ay sheegeen.

Maamulka Telefishinka  Al Jazeera, ayaa sheegay in ay baarayaan sababtii looga mamnuucay dalalkaasi.

Magaalladda Dubai maanta oo Arbaca ah website-ka Al jazeera haddii la doono in la daalacdo waxaa uu kuu soo qorayaa “Website-kan lagama heli karo dalka Imaaraadka”, sida dadka ku nool magaalladda Dubai ay sheegeen.

Afhayeenka hay’adda sharci dejinta isgaarsiinta dalkasi, ayaa sheegay in ay ka warqabaan sababta looga joojiyay Al jazeera dalkaasi ayna baaritaano wadaan.

Hay’adda ayaa la filayaa in ay war-saxaafadeed buuxa ay soo saarto marka ay baaritaanka uu u dhamaado.

Afhayeenka Al Jazeera ayaa sheegay in ay ka war heleen war sheegaya in digital platforms-kooda laga mamnuucay dalalka gobolka.

Dhinaca kale qaar kamid ah warbaahinta dalalka Khaliijka ayaa sheegaya in Al Jazeera ay baahisay warar aan xaqiiq laheyn oo ka fog dhex-dhexaadnimada.

Telefishinka Aljazeera waxa la asaasay sannadkii 1996-kii, waana Warbaahinta Telefishin ee ugu horreysay ee Dunida Carabta ee laga baahiyo Waraarka iyo Doodaha Tooska ah.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2016, Shabakadda Warbaahinta (Al Jazeera Media Network) ayaa sheegtay inay dhimi doonaan ku-dhawaad 500 oo qof, kuwaasi oo badankooda ka mid ah kuwa ka hawlgala Xarunta Dhexe ee TV-ga ee ku taalla caasimadda dalka Qatar ee Doha.

Hindisaha Shaqaalle-dhimista ayaa lagu micneeyey iyadoo ay socdaan Isbedel laagu sameynayo Muuqaalka Warbaahinta la iska arko ee Aljazeera TV.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Aljazeera, Mustafa Sowag ayaa sheegay inay dhowrkii bilood ee la soo dhafaay si taxadir leh u eegeen tallaabooyinka suurtogalka ah in la qaado iyo in la hubiyo in heer wanaagsan taaganahay.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia