4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 24, 2017
Dowladda Japan oo qalab ku wareejisay ciidammada booliiska Soomaaliyeed

 

Arbaco, May, 24, 2017 (HOL) - Saraakiisha ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta la wareegay qalab booliiska Soomaaliyeed ugu deeqday dowladda Japan.

Qalabkan ay bixisay dowladda Japan ayaa isugu jira gaadiidka ciidamada ay isticmaalaan iyo mootooyinka iyo qalab kale, waxaa la wareegay taliyaha ciidamada booliska Gen C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo wasiir ku-xigeenka amniga.

Taliyaha booliiska ayaa sheegay qalabkaan in uu muhiim u yahay ciidamada booliska Soomaaliyeed, maadaama ay u baahan yihiin, sidoo kalana wax weyn ay ka tari doonaan shaqada ciidamada booliiska.

 

Wasiirka ku-xigeenka wasaarrada amniga Soomaaliya oo ka hadlay halkii qalabkaan ciidamada ay kula wareegeen, ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ka mahad celinayso tallaabada dowladda Japan qalabkaan ay ugu deeqday ciidamada booliiska Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]