4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2017
Duqa Magaalada Minneapolis Betsy Hodges oo khudbadeedii sanadlaha aheed Masaajid dhexdiis ku qabatay (SAWIRO & VIDEO)

Arbaco, May, 24, 2017 (HOL) -Duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges ayaa khudbadeedii ay sanadkiiba mar u jeediso dadka dagan magaaladda Minneapolis ayeey  sanadkaan u xulatay inay ka  dhex jeediso Masaajid dhexdiisa, waxayna shalay ka aqriday khudbadaas  masaajidka An- Nuur ee ku yaal waqooyiga magaaladda Minneapolis waana markii ugu horeysay ee khudbad ceynkaasiya laga jeediyo masaajid ku yaalla gobalkan Minneapolis.

Bedsy Hodges oo khubad dhinacyo badan taabaneysa jeedisay, ayaa xustay in magaalada Minnespolis ay tahay magaalo cid walba guri u ah, muslimiintuna ay magaalada iftiin ku soo kordhiyeen.Duqa Magaalada ayaa intaa ku dartay inay muslimiinta ku taageersan tahay sida ay uga soo horjeedaan una dhaleeceeyaan fal-dambiyeed kasta oo neceyb ku dhisan,

Shiikh Cabdiraxmaan Shariif imaamka masaajidka Daarul-hijra oo ka qaybgalay dhagaysiga khudbada ayaa bogaadiyey ,waxuuna ku tilmaamay inay farxad u tahay Muslimiinta Minneapolis in ay marti galiyaan umadaha kala duwan oo dagan magaaladda iyo madaxdoodii.

Duqa Magaaladda waxay ka hadashay qodoba dhawra oo taabanayay Soomaalida Minneapolis haday noqoto xaga guriyeenta iyo arimaha horemarinta bulshada, iyo waliba nabadgalyada ,waxayna xustay iyada iyo Gudoomiyaha Dagmada 6aad ee Minneapolis  Cabdi Warsame ay si wada jira u hirgaliyeen xarun fursad abuuris iyo shaqo gayn ah ayna ka wada shaqeeynayeen labadii sano ee la soo dhaafay.



Waxa kale oo ay aad ugu dheeraatay siyaasada Madaxwayne Trump waxayna sheegtay in magaaladda Minneapolis ay ka soo hor jeedo erayada  kala qaybinta ah ee uu ku hadlo mar walba ayna garab taagan yihiin muslimiinta dagan Minneapolis .

Siyad Cali Geele oo ka mida gudiga Waxbarashada Minneapolis ayaa isaguna yiri waxay ay ka hadashay wax badan oo bulshadeena dan ugu jirto xaga guriyeenta iyo nabadgalyadaba waana ku farxsanahay sida ay khudbadeeda masjid uga dhex qabato waxayna noo muujisay inay tahay hogaamiye wanaagsan .

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis,Minnesota