4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2017
Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo sheegay in Al-Shabaab ay qafaasheen 25 qof

 
Arbaco, May, 24, 2017 (HOL) -Mas’uuliyiinta gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in Al shabaab ay qafaasheen ilaa 25 qof kadib, weerar habeen hore ay kusoo qaadeen deegaan u dhexeeya Afgooye iyo Marka.

Sidoo kale wararka ka imanaya deegaanka Number 50 ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dileen hal qof ayna tira kale dhaawaceen.

“Habeen hore fiidkii ayaa Al Shabaab waxaa ay soo weerareen deegannadda Muuri iyo Number 50, waxaa ay gubeen guryo iyagoona dilay hal qof, intaasi kadib Al Shabaab waxaa ay qafaasheen dad aan ku qiyaasnay 25 qof”, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha gobolka Shabellada Hoose Ibraahim Aadan Najax.

Dhinaca kale ma jirto war kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan weerarka ka dhacay deegaanka u dhexeeya Afgooye iyo Marka.

Isniintii lasoo dhaafay,  Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar garow xoogan ugu jiraan sidii loola dagaalami lahaa Al shabaab.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia