4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2017
1,000 qof oo magangelya doon ah oo ku xayirany jaziiradda Mediterranean

 
Arbaco, May, 24, 2017 (HOL) -Ku dhowaad 1,000 qof oo magangelya doon ah ayaa lasoo sheegayaa in ay ku xayiranyihiin jaziiradda Mediterranean.

Qaxootiga magangelya doonka ah ayaa waxaa dhowaan soo bad baadiyay ciidamada Badda dalka Talyaaniga, waxaana ay kasoo tageen dalka Liibiya.

Afar kamid ah maraakiibta ilaalada Bada ee dalka Talyaaniga ayaa ka qeyb-qaatay howlgalkii badbaadada, iyagoo isku dayaya in ay galan dalalka Yurub.

Madaxa waaxda Qaxootiga ee QM Filippo Grandi, ayaa maamulka dalka Liibiya ugu baaqay in ay xabsiyada kasii dayaan dad badan oo magangelya doon ah oo ciidamada dalkasi ay xabsiyada dhigeen.

Dhinaca kale Axadii lasoo dhaafay, ciidamada Badda ee wadamadda Libiya iyo Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay ku dhowaad 5,000 oo muhaajiriin ah oo ku qaraqmay Badda Mediterranean sea ee u dhexeeysa labada wadan.

Howlgalka badbadinta ayaa waxaa la qaaday maalmihii khamiista iyo Jimcaha, sida saraakiisha ciidamada Badda ay sheegeen.

Khamiistii lasoo dhaafay 2,900 oo muhaajiriin ah ayaa la badbaadiyay, kuwaas oo 2,300 oo kamid ah laga badbaaday biyaha caalamiga ah, waxaana loo qaaday dekad ku taalla dalka Talyaaniga.

Sidoo kale 580 kamid ah tahriibayaasha ayaa waxaa laga badbaadiyay biyaha dalka Liibiya waxaana dib loogu celiyay wadanka Liibiya ee waqooyga Qaaradda Africa.

Dhinaca kale, Jimcihii lasoo dhaafay ilaa aroornimadii Sabtida, waxaa la badbaadiyay 2,100 qof oo saarnaa 17 doomood oo kasoo baxay dalka Liibiya, waxaana hadda ay joogaan dalka Talyaaniga.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia