3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2017
Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar oo ka wada hadlay arrimaha siyaasada, amniga iyo la daagaalanka Al Shabaab

 

Arbaco, May, 24, 2017 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa booqasho rasmi ah shalay ku tagay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa qasriga Madaxtooyada kusoo dhoweeyay dhigiisa dalka Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, kadibna waxaa salaam sharaf uu ka qaatay Ciidanka jamhuuriga.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ee labada dal u dhaxeeya iyo danaha labada dal, waxaa ay isla soo qaadeen arrimaha siyaasada, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Labada Madaxweyne ayaa markii uu soo dhamaaday kulan, waxaa ay si wadajir ah u qaateen shir jaraa’id oo ay ugu hadleen arrimo kala duwan.

 
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyay Jabuuti, doorka ay ka qaadaneyso nabad ku soo dabaalida Soomaaliya, iyadoo kumanaan askari u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasoo qeyb k ah howl galka nabad ilaalinta AMISOM.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb geli doona furitaanka deked cusub oo dhowaan xariga laga jari doono.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa uu khudbad ka jeedin doonaa Xarunta Baarlamaanka Jabuuti.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia














Click here
5/24/2017 4:11 PM EST
Arbaco, May, 24, 2017 (HOL) -Website-ka shabakadda Warbaahinta (Al Jazeera Media Network) ee fadhigeeda dhexe uu ku yaallo magaalladda Doha ee caasimadda dalka Qadar, ayaa laga mamnuucay qaar kamid ah wadamadda Khaliijka, sida Sacuudiga iyo dalka Imaaraadka Carabta, sida dowladdaha ay sheegeen.

5/24/2017 10:58 AM EST
Arbaco, May, 24, 2017 (HOL) -Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay wax yaabaha Qarxa ayaa ka dhacay nawaaxiga dekedda magaalladda Muqdishu, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

5/24/2017 9:19 AM EST
Arbaco, May, 24, 2017 (HOL) - Saraakiisha ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta la wareegay qalab booliiska Soomaaliyeed ugu deeqday dowladda Japan.

5/24/2017 9:00 AM EST
Arbaco, May, 24, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliiska.

5/24/2017 6:57 AM EST
Arbaco, May, 24, 2017 (HOL) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibada dalka Itoobiya Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa noqonaya ninkii u horeeyay ee u dhashay Afrika ee loo doorto Madaxa Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, kadib markii uu helay codadka 185 Dowladood.

5/24/2017 6:31 AM EST
Arbaco, May, 24, 2017 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw oo maanta ah gaaray deeganka Bali doogle ee gobolka shabeellaha hoose halka saldhig ay ku lee yihiin ciidamada dowlada.

5/24/2017 1:57 AM EST
Arbaco, May, 24. 2017 (HOL) Duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges ayaa khudbadeedii ay sanadkiiba mar u jeediso dadka dagan magaaladda Minneapolis ayeey sanadkaan u xulatay inay ka dhex jeediso Masaajid dhexdiisa

5/24/2017 12:59 AM EST
Arbaco, May, 24, 2017 (HOL) -Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Al shabaab ka bilaabay deegaanno ka tirsan Gobalka Bakool.

5/24/2017 12:50 AM EST
Arbaco, May, 24, 2017 (HOL) -Mas’uuliyiinta gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in Al shabaab ay qafaasheen ilaa 25 qof kadib, weerar habeen hore ay kusoo qaadeen deegaan u dhexeeya Afgooye iyo Marka.

5/24/2017 12:43 AM EST
Arbaco, May, 24, 2017 (HOL) -Ku dhowaad 1,000 qof oo magangelya doon ah ayaa lasoo sheegayaa in ay ku xayiranyihiin jaziiradda Mediterranean.