4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2017
Muslimiinta Minnesota oo dhamaystiray ku dhawaad Hal Milyan oo Dollar oo ay ku gateen Masjid Al Ixsaan.

 

Culumadiinkii ka soo qaybgalay xafladda
Imaamka Masaajidka Al Ixsaan Sh Maxamed Mursal
Ardayda & Dadwaynahii ka soo qaybgalay Xafladda
Maxamud Qanyare Afrax oo lagu abaalmariyey isku xirka bulshadda kala duwan iyo masaajidka
Abaalmarino la gudoonsiinaya dadkii caawiyey masaajidka
Qaar ka mida Ardayda Masjid Al Ixsaan oo soo bandhigay barnamij diini ah
SHiikh Cabdiraxmaan Sh Cumar oo ka hadlaya xaflada Al Ixsaan
SHeikh Hamdi Swaaf oo ka soo qaybgalay Xafladda Minnesota
Maamulaha Masaajidka Axmed Cashuur oo warbaxinta Masaajidka Bixinaya

Isniin,May,22,2017 (HOL) Masjid Al Ixsaan oo ku yaal caasimadda gobolka Minnesota  ee St Paul ayaa lagu qabtay xafladd aad u balaaran oo loogu talagalay in loogu mahadceliyo dhamaan dadkii caawiyey masaajidkaan 10 sano ee la soo dhaafay , kadib markii bishaan la bixiyey lacagtii daynta ahayd ee masaajidkaas lagu lahaa,uuna toos ugu soo wareegay lahaanshahahiisa  muslimiinta  Soomaaliyeed  eeMinnesota dagan.


Masjid Al Ixsaan ayaa waxuu ka kooban yahay goob  ay ku tukadaan salaadaha dad kor u dhaafaya 500 qof ,fasalo waxbarasho oo ka kooban dugsi Quraan ilaa macad sare oo lagu barto culuunta diinta islaamka, iyo xafiisyo kala duwan ,

Masaajidkaan  ayaa waxuu kacay  iibkiiisa $960,000 waxaana dactirkiisa ku baxday $540,000 oo dollar.


Hadaba kulankaan loogu mahadcelinaayay dadkii mudadaas 10 sano aheed ka soo qaybqaatay horemarinta masaajidkaayaa waxaa ka sooqaybgalay badi culumodiinka Minnesota ,iyagoo ka soo jeediyey khudbado kala duwan ay kaga hadlaayeen muhiimadaay lee dahay in la dhiso xarumo ay muslimiinta uga tagaan jiilasha soo socda.


Maamulaha Masaajidka Axmed Cashuur iyo Imaamka Sh Max’ed Mursal ayaa labadaba ka hadlay marxaladahii kala duwanaa ee uu soo maray masjid Al Ixsaan iyo warbaxinta guud waxa ay damacsan yihiin mustaqbalka dhow.


Waxaa iyaguna halkaa barnaamij aad looga helay ku soo bandhigay ardayda wax ku barata  masaajidka al ixsaan .


Ugu danabayntii tirada Masaajida ee Soomaalida Minnesota ay maamulaan ayaa sii kordhaaya maalinba maalinta ka danbaysa al Ixsaan waa masaajidka labaad ee Soomaalidu ka gataan St Paul oo ay ku yaalaan ilaa afar masaajid.

 

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis MN