3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 22, 2017
Prof Cali Khaliif Galleyr oo faah faahin ka bixiyay joogitaankiisa magaalada Hargeysa

 

Isniin, May, 22, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Khatumo State Prof Cali Khaliif Galeyr oo labadii cisho ee la soo dhaafay socdaal ku joogay magaalada Hargeysa ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedada socdaalkiisa iyo haddii ay jiraan mas’uuliyiin Soomaaliland ah oo ay is arkeen.

Prof Galeyr ayaa sheegay in sababta uu Hargeysa u tagay tahay in uu halkaa ka raaco diyaarad madaama sida uu hadalka u dhigay Hargeysa leedahay garoon aad u wanaagsan.

Isaga oo wareysi siinayay Idaacada VOA-da ayuu yiri’’ Hargeysa waxaan u imid in aan diyaarad ka raaco sabab aan hadda ku dheeraaneynin ayaana igu kaliftay in aan halkan soo maro oo diyaarad ka raaco, Hargeysana runtii waan ay dhisantay oo maamulka hadda jira waxaa la oran karaa shaqo wanaagsan ayuu ka qabtay magaalada inkastoo aan jaanis u helin in aan ku soo war- wareego'’ ayuu yiri Prof Galeyr.

Sidoo kale Cali Khaliif ayaa sheegay in ay is arkeen madaxweynaha Soomaaliland Axmed Max’ed Max’uud Siilaanyo.

‘’ Waan is aragnay madaxweynaha, wasiiro, guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliland, laakiin nin wada hadallo in halka uu ku gallo u yimid ma aheyn, ‘’ ayuu hadalkiisa sii raacayay.

Mar uu soo hadal qaaday halka ay marayaan wada hadalladii uu dhaxeeyay Soomaaliland iyo maamulka Khatumo ayuu sheegay in wada hadalladaasi meel wanaagsan marayaan, isaga oo sheegay in labada maamul dano badan ka dhaxeeyaan.

‘’’ Wada hadallada meel wanaagsan ayeey marayan, laakii ma jirto hadda taariikh kale oo aan kuu sheegi karo oo aan leeyahay  wada hadallada waa ay furmayaa, anniga hadda Nairobi ayaan u socdaa oo aan shir uga qeybgali doonaa, haddii aan Nairobi ka soo noqdanaya magaaladan waan soo mari doonaa oo waxaan rajeynayaa in aan si aragno mas'uuliyiinta maamulka Soomaaliland kana wada hadalno waqtiga kale ee wada hadallada qabsoomi doonaan ‘’ ayuu sheegay Cali Khaliif Galeyr.

Waa safarkii labaad ee madaxweyne Galeyr uu ku tago magaalada Hargeysa waxaana muuqata in uu jiro wax xooggaa isku soo dhawaasho ah oo u dhaxeeya Prof Galeyr iyo  Soomaaliland oo markii hore siweyn siyaasada ugu kala durugsanaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/22/2017 12:36 PM EST
Isniin, May, 22, 2017 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa booqasho dhiiri-galin ah ugu tagay ciidamada wadajirka ee fulinta qorshaha xasilinta caasimada oo howlgalo lagu soo qab qabtay hub iyo dareys ciidan ka sameeyay Muqdisho.

5/22/2017 10:59 AM EST
Isniin, May, 22, 2017 (HOL) -Masjid Al Ixsaan oo ku yaal caasimadda gobolka Minnesota ee St Paul ayaa lagu qabtay xafladd aad u balaaran oo loogu talagalay in loogu mahadceliyo dhamaan dadkii caawiyey masaajidkaan 10 sano ee la soo dhaafay , kadib markii bishaan la bixiyey lacagtii daynta ahayd ee masaajidkaas lagu lahaa,uuna toos ugu soo wareegay lahaanshahahiisa muslimiinta Soomaaliyeed eeMinnesota dagan.

5/22/2017 10:39 AM EST
Isniin, May, 22, 2017 (HOL)–Tababarar aad u heer sareeya oo ay si wada jir ah uso qabanqaabiyeen Hay’ada Cilmibaarista iyo hormarrinta Geeska Afrika ee Chirbs iyo Jaamacadda Bariga Afrika, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

5/22/2017 10:17 AM EST
Isniin, May, 22, 2017 (HOL)– Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland C/xakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sheegay in carruurtii ay ku qabteen dagaalladii ay la galleen Al-shabaab ee lagu wareejiyay hay’adda Elman mar kale dib ugu biireen isla ururka Al-shabaab.

5/22/2017 7:09 AM EST
Isniin, May, 22, 2017 (HOL)–Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamo dheeraad ah u direyso magaalada Mandera ee gobollka Waqooyi Bari si looga gaashaanto weerarada Al-shabaab ee bisha Ramadaan.

5/22/2017 7:02 AM EST
Isniin, May, 22, 2017 (HOL)– Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa magaalladda Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga kula kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

5/22/2017 6:12 AM EST
Isniin, May, 22, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in nin hubeysan subaxnimadii hore ee saakay toogasho ku dilay haweeney horay uga tirsaneyd ciidamada booliiska dowlad gobolleedka Puntland.

5/22/2017 4:04 AM EST
Isniin, May, 22, 2017 (HOL) - Maalmo kooban oo kaliya ayaa ka dhiman bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil ku weyn guud ahaanba dadka muslimiinta ah ee ku nool daafaha dunida gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

5/22/2017 1:05 AM EST
Isniin, May, 22, 2017 (HOL) – Cudurka Cholera ayaa ka dilaacay dalka ay bur-buriyeen dagaalada ee Yemen, sida hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ay sheegtay.

5/22/2017 12:59 AM EST
Isniin, May, 22, 2017 (HOL) – Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar garow xoogan ugu jiraan sidii loola dagaalami lahaa Al shabaab.

5/22/2017 12:48 AM EST
Isniin, May, 22, 2017 (HOL) – Kooxda Real Madrid ayaa xalay ku guulaysatay koobka La Ligaha kadib markii ay ka adkaatay kooxda Malaga.

5/22/2017 12:37 AM EST
Isniin, May, 22, 2017 (HOL) – Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday hogaamiyayaasha Muslimiinta ee Africa in ay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada.