4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2017
Tababar lagu Baranayo ka Hortaga iyo yaraynta Dhimashada Hooyada uurka leh iyo Dhalaanka oo Bosaaso ka Furmay (Sawirro)

Isniin, May, 22, 2017 (HOL)–Tababarar aad u heer sareeya oo ay si wada jir ah uso qabanqaabiyeen Hay’ada Cilmibaarista iyo hormarrinta Geeska Afrika ee Chirbs iyo Jaamacadda Bariga Afrika, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Tababarka oo lagu baranayo Ka hortaga iyo yaraynta dhimashada Hooyada Uurka leh iyo dhalaanka, ayaa waxaa loo qabtay dhakhaatiir ka kala socotay Jaamacadda Bariga Afrika, Camuud iyo Hargeysa, Cisbitaalka Banaadir, MCH-ka Beeldaaje Boosaaso, Barwaaqo Garowe, Cabdi Iidaa Hargeysa iyo MCH-ka Shifa oo ku yaala Boorame.

Munaasabda lagu Daahfuray tababarka ayaa waxaa ka qayb galay maamulka degmada Boosaaso, Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Isimo, dhakhaatiir, maamulka Jaamacadda Bariga Afrika iyo marti sharaf kale.

Wakiilka Hay’ada Cilmibaarista iyo hormarrinta Geeska Afrika ee Chirbs Dr. Khadiija Cali Maxamuud, ayaa inay dalka iyo dadka Somaaliyeed ay wax u barteen, sidaa darteedna ay ka go’an tahay inay badbaadiyaan Hooyada iyo dhalaanka oo dhimashadooda ay aad ugu badan tahay Soomaaliya.

‘’Tababarkan wuxuu ku saabsan yahay sidii loo badbaadin lahaa Hooyo dhibaataysan oo Uur leh iyo dhalaanka ay foolanaysa, marka ay Hooyada dhibaato so gaarto Ilmaha caloosheeda ku jirana waa dhibaataysan yahay, markaa waxaan u baahanahay innaan xoogga saarnk daweynta dhibaatadaas’’ Ayay tiri Khadiija Cali Maxamuud.

Khadiija Cali Maxamuud ayaa intaas ku dartay in marka ay dhimato lo samaystay hadalo ay ka mid yihiin waa Umul raacday, waa isku go’day si bay tiri meesha looga saaro Mas’uuliyadii la dayacay.

Dr. Cabdi Raxmaan Maxamed Cali Awkoombe oo ka mid ah dhakhtiirka ugu caansan Soomaalida, ayaa sheegay in dhibaatada soo wajahda Hooyada Uurka leh ay si wayn uso noqnoqoto, sidaa darteedna loo baahan yahay in dhakhaatiirtu ay si wada jir ah isaga kaashadaan sidii loo xalin lahaa.

Cabdi Raxmaan Maxamed Cali Awkoombe, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay waxbaraan Jiilka soo koraya, si ay dalka iyo dadka ugu adeegaan.

Dr. Faadumo Xaashi Iimaan, ayaa sheegtay inay wali sarayso dhimashad Hooyada iyo Ilmaha yar, taasina ay timi ka dib markii laga gaabiyay in wax laga qabto.
Hormuudka Jaamacadda Bariga Afrika Abshir Cali Cabdi, ayaa dhiirigeliyay shaqada ay Ummadda Soomaaliyeed u hayaan dhakhaatiirta ay hormuudka u tahay Dr. Khadiija Cali Maxamuud.

Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin oo ka mid ah Isimada Puntland ayaa ku dheeraaday dhibaatada Hooyada iyo dhalaanka ee ka jirta Soomaaliya, arrintaas oo uu sheegay inuu Xog-ogaal u yahay.

Ugu danbayn, Duqa degmada Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud, ayaa sheegay in degmada Bosaaso ay u baahan-tahay dhakhaatiir cusub oo ka howl-gala xarumaha caafimaad ee ku yaala degmada, xilli baahida ugu badan ay ka jirto dhinaca hooyada iyo dhalaanka.

Faysal M. Hassan
[email protected]