4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 22, 2017
Puntland : Carruurtii Shabaabka ahaa ee aan Xamar u dirnay dib ayeey Shabaab ugu biireen

 

Isniin, May, 22, 2017 (HOL) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland C/xakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sheegay in carruurtii ay ku qabteen dagaalladii ay la galleen Al-shabaab ee lagu wareejiyay hay’adda Elman mar kale dib ugu biireen isla ururka Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in 26 carruur ah oo ay u gudbiyeen hay’adda Elman si dhaqan celin loogu sameeyo la arkay qaarkood mar kale iyaga oo u dagaalamaya ururka Al-shabaab qaarkoodna dagaal lagu qabtay sida uu hadalka u dhigay.

‘’Arintan waan kula xisaabtami doonnaa hay’adda xaquuqul Insaanka ee Muqdisho fadhigoodu yahay, waxaana ay noqoneysaa intii aan carruurta lagu qabto dagaallada u diri laheyn Xamar annaga aan dhaqan celin u sameyno’’ ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in qaar ka mid ah carruurtaas oo ay gacanta ku hayaan dhaqan calin loo sameeyay islamarkaana maamulka Puntland uu damaanad qaaday arintaa.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca hay’adda Elaman oo la xiriira eedeynta uu u soo jeediyay madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland.

Puntland ayaa sanadkii 2016ka dagaal culus oo ay la gashay Al-shabaab ku qabatay maxaabiis dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen carruur aad u da’yar laakiin u dagaallamayay Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]