Isniin,
May, 22, 2017 (HOL) - Maalmo kooban oo kaliya ayaa ka dhiman bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil ku
weyn guud ahaanba dadka muslimiinta ah ee ku nool daafaha dunida gaar ahaan
bulshada Soomaaliyeed.
Sida
caadada ah maalmaha ka horeeya bisha Ramadaan qoysaska Soomaaliyeed waxaa ay u
galaan diyaar garoow xoog leh, iyaga oo soo iibsada dhamaanba wax yaabaha ay u
baahan yihiin 30ka cisho ee bisha, gaar ahaan raashinka iyo wax yaabaha kale ee
mac-macaanka ah ee loo isticmaalo afurka sidda Timirta iyo wixii la halmaala.
Laakiin
kumannaan qoysas ah ayaa bishan Ramadaan ee nagu soo foolka leh lagu waddaa in ay
wajahaan xaalad adag oo dhinaca nolasha, kaddib abaar baahsan oo ku dhufatay
inta badan deegaannada Soomaalida, taasoo sababtay in qoysas badan oo
Soomaaliyeed u barakacaan magaalooyinka waaweyn sida caasimada Muqdisho.
Waxa
kaliya ay qoysaskan Miciin bidayaan ayaa ah kaalmada aan badneyn ee hay'addaha, shirkaddaha iyo dadka muxsiniinta
ah ugu deeqaan oo xitaa la oran karo siddii loo baahnaa dadka looma wadda
gaarsiiyo ama waxaa ka faa'ideysta dad laga yaabo in ay xigto dhaw ama qaraabo
la yihiin hadba cidda markaa gargaarka qaybineysa.
Dabcan,
waa waajib in qofka muslimka ah uu soomo 30ka bisha Ramadaan haddii uusan jirin
cudur daar sharci ah, balse dhibaatada jirta ma'aha mid yar oo qormo oo kaliya
lagu soo koobi karo, waxaase la dhihi karaa saameyn dhinaca nolasha ah ayeey ku
yeelanaysaa qoysas badan oo Soomaaliyeed [Bilashada bisha Ramadaan
& barakaca abaarta] oo la oran karo waa labo xaaladood oo marka ay isku kaa
qabtaan aad u adag.
Inkastoo
dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa hay’addo caalami ah iyo qurba joogta Soomaaliyeed dadaal xoog
leh ugu jiraan sidii loo gargaari lahaa dadka ay abaartu sameysay, haddana
xaalku wali fari kama qodna marka la eego baaxda abaarta dalka jirta oo ah mid
gaartay heerkii ugu sareeyay, waloow haddana marka dhinaca kale la eego
rajada dadka Soomaaliyeed qabaan tahay mid wanaagsan roobabkii xiliga gu’gana
ka curteen deegaanno badan oo ka mid ah Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]