4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 21, 2017
Al-shabaab iyo dad shacab ah oo ku dagaalamay deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan

 

Axad, May, 21, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaankaka lagu magacaabo Butaale oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka ayaa sheegaya in Al-shabaab iyo dad shacab ah ay ku dagaalameen deegaanka, waxaana dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la ogyahay afar qof shacab ah ayaa ku dhintay dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo dadka rayidka ah,waxaana deegaanka lagu dagaalamay uu 20km dhinaca Koofureed uu ka xigaa degmada Maxaas.

Xaaladda deegaanka ayaa lagu waramayaa in wali ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa dadka xoolaha dhaqatada ah ee deegaanka iyo Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]