4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 21, 2017
Cabdi Warsame oo shalay ku guulaystay doorashada musharaxa Xisbiga DFL-ka (Sawiro & Video)

Axad, May, 21, 2017 (HOL) –Cabdi Warsame ayaa shalay ku guuleystay inuu noqdo musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee DFL ka uga qaybgalaya tartanka degmadda Lixaad ee magaalada Minneapolis.waxuuna helay natiijadii codbixinta 95%, halka musharaxii la tartamaayay uu helay 4%.

Musharax Maxamud Nuur iyo badi taageerayaashiisii ayaan ka soo qaybgalin dooraashadii shalay ,isagoo hore warsaxafadeed jimacahii ugu sheegay inuu qaadacay ka qaybgalka doorashada DFL ka.

Doorashadii xulista ergooyinka ee dhacday 4 Abriil 2017 ayaa  hore Cabdi Warsame ugu guulaystay codadkii habeenkaa 68%, shalayna waxa ay aheed guushiisii labaad ee doorashadan.


Dadwaynahii Doorashada ka qaybgalaya oo wax dooranaya
Taageerayashii Cabdi Warsame oo farxad muujinaya
Cabi Warsame oo la hadlaaya taageerayshiisa
ergooyinkii codbiyaasha ahaa

 Goobtii doorashada shalay ayaa waxaa ka hadlay madax kala duwan oo laga soo doorto magaaladda Minneapolis iyo gobolka Minnesota sida Duqa magaaladda iyo xildhibaano golaha dageenka iyo waliba kuwa sharci dajinta iyagoo taageero u muujiyeyin in dib loo doorto Cabdi Warsame.

Waxaana maalmahaan isa soo taraayay ururada taageerada u muujinaayay musharax Cabdi Warsame kuwaas oo kala ah. Minneapolis Regional Labor Federation, Minnesota Nurses Association, MN State Council SEIU, International Union of Operating Engineers, Minneapolis Firefighters Local 82. AFSCME Teamsters.


Cabdirashiid Simba oo ah taageerayaasha Cabdi Warsame ayaa HOL ku yiri doorashdaan waxay aheed taariikh ma arkin sanadahii badnaa ee doorashooyinka ka aan shaqeenaayay cid 95% codkii ergooyinka hela taasna waxay ku tusaysaa in Cabdi uu haysto taageerada dadka dagmada 6aad ee Minneapolis dagan, Simba waxuu kaloo yiri waxaan ku taageeraynaa Cabdi Warsame waxqabkiisa sadaxdii sano ee la soo dhaafay .

Ugu danbayntii Abdi Warsame ayaa shalay khudbad dheer uu u jeediyey taageerayaashiisa uu uga mahadceliyey dadaalka iyo dulqaadka ay muujiyeen isagoo yiri waxaan rabnaa inaan la sinaano dadka dagan magaaladaan oo aan codkeena dhiibano ,waxuuna ugu baaqay dadka midnimo ,isagoo si gaara ugu mahadceliyey qoomiyadda Oromadda ee dagan Minneapolis oo shalay ka dhex muuqday goobta codbixinta.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis MN