4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 21, 2017
Madaxweeynaha Jubaland: Shirkii London dhismaha ciidamada iyo in la xadido mudada joogitaanka AMISOM ayaa ugu muhiimsanaa


Axad, May, 21, 2017 (HOL) – Madaxweeynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, ayadoo garoonka diyaaradaha ay si diiran ugu soo dhaweeyeen xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubaland.

Madaxweeynaha oo mudooyinkii u danbeeyay safar shaqo ugu maqnaa dalka Ingiriiska oo uu uga qeybgalay shirweeynihii looga hadlayay arimaha Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaasi ay kasoo baxeen qodobo waxtar leh.

Waxa uu sheegay in shirkan uusan waxba kaga duwanayn shirarkii hore, balse dowladda Ingiriiska oo martigelisay shirkan ay xoogga saareeysay in Soomaaliya ka caawiso dhinaca nabadgelyada.

Waxa uu sheegay in qodobada ugu muhiimsan ee shirkaasi ay kamid ahaayeen in la xadido waqtiga ay joogayaan ciidamada AMISOM, in la dhiso ciidamadii badali lahaa ee xoogga dalka Soomaaliya iyo weliba in la bilaabo howlgallo Shabaab looga xoreeynayo goobaha ay ku harsanyihiin.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu soo gabagabeeyay shirweeyne looga hadlayay arimaha Soomaaliya iyo sidii loo caawin lahaa dowladda, kaa oo ay kasoo baxeen qodobo dhowr ah oo wax looga qaban doono dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo arimaha bini'aadanimo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.