4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 21, 2017
Ohio : Kulan dhiirigalin iyo bogaadin ah oo loo qabtay dhalinyarradii gurmadka abaaraha


Axad, May, 21, 2017 (HOL) - Kulan lagu dhiirogalinayay dhalinyaradii isku taagtay gurmadka abaaraha Somalia isla markaana lagu Boggaadinayay ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka.

Masuuliyiin kala duwan ayaa ka soo qeybgalay kuwaas oo meelo kala duwan ka yimi si ay dhalinyarada ugu dhiirogaliyaan shaqada Qaran ee ay hayaan taas oo u bahan in loogu Hambalyeeyo isla markaana lagu dhiirogaliyo in dhalinyarada awoodooda ay u isticmaalaan dhanka wanaagsan.

Safiirka Dowlada Soomaaliya u Jooga DC Axmed Ciise Cawad oo kulankan uga yimid halkaasi ayaa xusay ahmiyada dhalinyaradu u leedahay bulsho walba iyo in dhalinyaradani ay mudanyihiin in lagu guubaabiyo in ay wax qabadkooda ku saleeyaan isbadal isaga ku amaanay doorkii ay ka qaateen Gurmadkii abaaraha oo ay gaarsiiyeen dhaqaale dhan Boqol kun oo dolarka Mareykanka ah ( $ 100,000)

Imaam Maxamed Diini oo ka mid ah dadka sida weyn looga tixgaliyo bulshada dhexdeeda oo kulankan ka qeybgalay ayaa dhankiisa tusaale wanaagsan uga sheekeeyay wanaaga ay leedahay Sadaqada iyo in dadka la caawiyo isaga oo u tilmaamay dhalinyaradan oo qaarkood ku dhashay dalka Mareykanka waligoodna aan arkin dalkoodii balse la damqaday dhibta in ay yihiin Geesiyaal taariikhdu qori doonto.

Wasiirkii hore ee Gaashaan dhigga Cabdiqadir Diini ayaa ka sheekeeyay dhankiisa isbadalka ka jira dalka Soomaaliya iyo dadaalka ay ku jiraan dhalinyarada Soomaaliya joogta isaga oo xusay in Maamulada iyo Dowlada ay ku jiraan dhalinyaro badan oo wax baratay taas oo muujinaysa in xiligan dhalinyaradu ku baraarugtay in ay qaataan doorkooda.

Gudoooomiyaha Jaaliyada Xassan Omar ayaa ugu baaqay dhalinyarada in ay ka dheeraadaan kuwa diidan horumarka isla markaana ku mashquula qabyaalada iyo bur burka, isaga oo dhanka kale kaga mahadceliyay sida ay isku xilqaameen iyo sidda ay u muujiyeen dadaal iyaga waqtigooda gliyay in ay dadkooda ay la qaybsadaan dhibta ilaa laga gaaray Guushii Alle oo roobku uu ka da'ay.

Raysul wasaare Xassan Cali Kheyre oo khadka SKYPE ka uga qeybgalaya ayaa amaanay dhalinyarada Columbus oo dhaqaalihii ay ururiyeen si toos ah ugu gudbiyay dowlada Soomaaliya si loo gaarsiiyo dadkii ay abaruhu saameeyeen iyaga oo marwalba la xariiri jiray gudigii abaraha.

Raysul wasaaraha ayaa ku amaanay dhalinyarada sida ay u sameeyeen dadal iyo qaaran Qaran waxa uuna dhanka kale muujiyay sida wali dadku ugu baahanyihiin in la caawiyo iyada oo dad badna ay dhaafeen xoolihii isla markaana aysan haysan wax hanti ah.

Dadka ka hadlay Kulankan oo aad u badnaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan xildhibaanada qaranka, qaar kamid ah dhalinyaradii barnaamijkan soo abaabushay,Xubno ka socda Jaaliyada iyo qeybaha bulshada waxaana dhamaan ay ka sinaayeen sida loogu baahanyahay in la is caawiyo iyo in la dhiiro galiyo dhalinyarada oo ah awood uu dalka iyo dadku u baahanyahay.

Deeqo SONNA

Columbus Ohio