4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 21, 2017
Deeqo Diraac oo lagu xukumay 15 sano oo xabsi ciidan ah ayaa ku dhex geeryootay xabsi ku yaalla Muqdishu

 
Axad, May, 21, 2017 (HOL) – Haweeney Maxkamadda ciidamada Qalabka Sidda ay sanadkii 2014 ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah ayaa maanta ku dhex geeryootay Isbitaal ku dhex yaalla xabsiga dhexe ee Xamar, sida warbaahinta dowladda ay sheegtay.

Marxuum Deeqo Diraac, ayaa la xiray bartamihii sanadkii 2014, waxaana Maxkamadda ay ku eedeysay in ay caawin jirtay howlgallo ay fulin jireen rag xiriir la leh Al shabaab.

Warbahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay in Marxuum Deeqo Diraac ay u geeryootay cudurka Macaanka ama Sokorta. 

Xariga Deeqo, ayaa waxaa uu ka dambeyay kadib markii Maxkamadda ay ku eedeysay in ay hubka u heyn jiratay labo nin oo ku eedeysnaa dilkii Nafiso Cusmaan Salaad oo aheyd gabar ardayad ah kana qalan jabisay kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Soomaaliya, taasoo sanadkii 2014 lagu dilay agagaarka warshada Coca-cola ee magaalladda Muqdishu.

Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil toogasho ah ku ridday, labada wiil ee lagu eedeyay dilka Marxuum Nafisa oo lagu kala magacaabi jiray Xasan Salmaan iyo Shaafici Cabdicasiis, waxaana Deeqo Diraac ay ku kuxuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah. 
Xasan Salmaan iyo Shaafici Cabdicasiis ayaa horay u qirtay in mid walba uu la dhacay bastoolado ay haysteen gabadhan ay dileen.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow, ayaa sandkii 2014 ku dhawaaqay xukunka ay Maxkamadda ku riday saddexdaasi qof, isagoo digniin u diray kuwa kale ee weli ku danbeeya Al-Shabaab isla markaana dilalka geysta.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia