4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 21, 2017
Cali Khaliif Galeyr oo xalay gaaray magaalada Hargeysa

 

Axad, May, 21, 2017 (HOL)- Hogaamiyaha maamulka Khaatumo Dr, Cali Khaliif Galeyr ayaa xalay soo gaaray magaaladda Hargeysa, waxaana uu ku soo degay Hoteelka Maansoor ee magaaladda.

Safarka Cali Khaliif Galayr ayaan la sii ogayn isla markaana mar kaliya lagu arkay isagoo Hoteelka sii galaya, waxaana ahayd wakhti habeenimo ah oo dadku baddi aanay arkayn, balse dhawr ruux oo uu  agmaraysay markii uu Hoteelka sii galayay ayaa gartay oo ku dheg dhegay kadibna mar kaliya ku dhowaaqay waa Cali Khaliif Galayr, taas oo dadkii badnaa ee meesha joogay  indhahooga ku soo jeediyay, kuwaas oo salaam la boobay.

Cali Khaliif Galayr oo aanu isku daynay in aanu safarkiisa wax ka waydiinno waxaana loo sheegay in uu daalan yahay oo uu safar dheer ka yimid, isla markaana wakhtigan aanu hadli karin.

Xukuumadda si cad uma sheegin sababta uu Hargeysa u yimid, haseyeeshee wararka aanu helayno ayaa xusaya in uu Galaydh ku sii jeeddo magaaladda Nairobi oo uu doonayo in uu madaarka Hargeysa ka dhoofo. 

Cali Khaliif Galayr lama socon wax wefti kale marka laga reebo hal qof oo Boorsaddau siday iyo laba askari oo safarkiisa ku wehelinayey.

KHaatumo iyo Soomaaliland waxaa u socay wada hadal dhawr wareeg qaatay, hasse ahaatee  illaa hadda wax rasmiya laguma heshiin, waxaase heshiishka ka mid ah in la dhexmari karo,isla markaana dhinacna dhinac kale wax dhibaato ah u gaysan inta wada hadalka socdo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.