4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 21, 2017
Jubaland oo ka hadashay Xildhibaannadii Nairobi kaga dhawaaqay madasha horusocod

Axad, May, 21, 2017 (HOL) –Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay mowqifkeeda ku aadan xildhibaannada magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya dhawaan kaga dhawaaqay madasha ay ugu yeereen “Hor u socod” taa oo bulshada Soomaaliyeed ay siyaabo kala duwan uga hadashay.

Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Max’uud Sayid Aadan oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu daahfurayay Imtixaanaadka Jubaland ayaa sheegay in xildhibaannada madasha kaga dhawaaqay Nairobi ay kasoo horjeedaan horumarka Soomaaliya ayna caqabad ku yihiin in dowladdu gudato waajibaadkeeda.

“Soomaaliya labada gole ee dowladda federaalka kuwa golaha shacabka iyo kuwa golaha sare Masuuliyad baa saaran, dowladda sedex bilood bay dhisantahay, durba waxay bilaabeen dhaqdhaqaaq iyo inay dhinac la qabsadaan masuliyiintii loo igmaday howshaas inay wadaan,” ayuu Madaxweeyne kuxigeenku hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu sheegay in dowladdu u baahantahay in la siiyo waqti lagu kala ogaan karo inay wax qabatay in ay kasoo bixi weeysay howlihii loo igmaday.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxay la baxeen kudlad la yiraahdo Horumar laakiin umadda Soomaaliyeed waxay u turjuntay horumar diid, marka waa in ay  u fahmaan sida ay umaddu u garatay in ay u gartaan oo ay ka noqdaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee caqabad ku noqon kara dowladda federaalka, cidda loo dhiibtayna in lala xisaabtamo u diidi karta.”

Shacabka Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii lagu dhawaaqay madasha waxa ay siyaabo kala duwan ugu hadal hayeen baraha bulshada, ayadoo dad badan ay u arkaan in madashu ka tahay mid la doonayo in lagu burburiyo dowladda oo ay dabada ka riixayaan dowladdo shisheeye, halka qaar kalena ay ku doodayaan in ay tahay madal loo baahanyahay si ay ula xisaabtanto dowladda.

Mudanayaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa dhawaan magaalada Nairobi kaga dhawaaqay madal ay ku mideeysanyihiin, ayagoo gudoomiye u doortay Xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig, waxayna sheegeen in ujeedkoodu yahay in ay la xisaabtamaan dowladda, balse madashu aysan ahayn mid ay doonayaan in ay dowladda ku burburiyaan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.